{DAAWO SAWIRADA} Hab Casri Ah Oo Loo Qaadi Doono Canshuuraha Gobolka Banaadir

0
122

Dowlada hoose Xamar ayaa xarunta gobolka Banaadir kusoo bandhigtay gadiid kala duwan oo qeyb ka noqon doono ololaha wacyigalinta bixinta canshuuraha iyo sidoo kale dabagalka la xisaabtanka muwaadiniinta iska dhaga tira iney bixiyaan canshuurta ku waajibtay.

Nidaamka qaadista canshuuraha kala duwan ee gobolka Banaadir ayaa laga dhigay qaab casiri ah oo ka duwan qaababkii horey loo qaadijaray waxaana daah-furay ololahaan Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish).

Agaasimaha canshuuraha dowlada hoose Xamar Ayaan Cabdi Maxamud ayaa faah faahisay ololahaan

“Gaadiidkan waxey ka howlgali doonaan afarta qeyb oo ay ka kooban tahay magaalada Muqdisho si ay wacyigaliyaan bulshada islamarkaana loo dardargaliyo qaadista Canshuuraha kala duwan ee daqliga”.