{DHAGEYSO} Jubbaland Oo sheegtay in Seeraar & C/Rashiid Xidig ay falal Abnidaro ah ay ka wdaan Kismaajo

0
81

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowlad goboleedka Jubbaland Cabdi Xuseen Maxamed ayaa sheegay in Xildhibaan Cabdi Rashiid Xidig iyo Cabdi Naasir Seeraar ay khalalaaso dhinaca Amniga ah ay ka wadaan Magaalada Kismaayo.

Shir Jaraa’id uu Warbaahinta ugu qabtey Kismaayo ayuu sheegay in labada mas’uul ay u dul qaadanayeen muddoo lix bilood ah,isla markaana ay yihiin kuwo u adeegaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Mamaulka Jubbaland uu dulqaadka ka dhamaaday,isla markaana xilligaan wixii ka dambeeya aysan u sii dul qaadan doonin.

Xildhibaan Cabdi Rashiid Xidig iyo Cabdi Naasir Seeraar ayaa labaduba waxaa ay taageerayaashooda Magaalada Kismaayo ugu doorteen Madaxweynaha Jubbaland,waxaana shalay Kismaayo dagaal kooban uu ku dehxmaray Ciidamada C/Naasir Seeraar iyo kuwa Maamulka Jubbaland.