Dowlada Soomaaliya oo Sheegtay in la qaadayo Dhagxaanta ku xiran jidadka Muqdisho

0
229

Wasiirka Wasaarradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale ayaa sheegay in dowladdu qorsheyneyso dhawaan in la qaado dhamaanba Dhagxaanta ku ku xiran jidadka magaalada Muqdisho

Wuxuu sheegay in sababta arintan loo sameynayo tahay in meesha laga saaro ciriiriga iyo saxmada ka jirta qaar ka mid ah jidadka magaalada Muqdisho oo dadka iyo gaadiidkuba wada isticmaalayaan jidadka kooban madaama ay magaalada kala xiran tahay.

Wasiir Isloow ayaa sheegay in marka laga eego dhibaatada ay shacabka ku qabaan xirnaasha jidadka iyo dhagxaanta ku go’an tahay arin la qaadan karo oo macquul ah , laakiin haddana dhinaca kale marka la eego ayuu yiri  wax weyn ka tareen sugida Amniga.

”Wey yaraadeen qaraxyadii ka dhici jiray magaalada taana waxaa qeyb weyn ka qaatay baraka Koontarool iyo Dhagxaanta lagu gooyay qaar ka mid ah jidadka Muqdisho” ayuu yiri Wasiir Isloow.

Shacabka magaalada Muqdisho iyo wadayaasha gaadiidka dadweynaha ayaa cabasho weyn ka muujinaya xirnaashaha jidadka magaalada iyaga oo dalbanaya in arintaan dowladdu wax ka qabato.