Garsoore Bannaanka Soo Dhigay SADDEX Qalad Oo Ka Dhacay Ciyaartii Xalay Ay Barcelona 3-2 Kaga Adkaatay Real Bets

0
131

Barcelona ayaa xalay dib ugu soo laabatay dariiqa guusha kaddib toddobaadyo dhibaato ay ku jirtay, taas oo sabab u noqotay in hoggaanka horyaalka LaLiga ay si caddaan ah gacanta ugu dhigto Real Madrid.

Kulan si weyn isha loogu hayey oo uu tababare Quique Setien dib ugu noqday kooxdiisii hore ee Betis, ayaa waxay Barcelona kasoo heshay guul ay ku rafaaday oo 3-2 ah, waxaana saddexda gool u kala dhaliyey De Jong, Sergio Busquets iyo Lenglet, halka uu Lionel Messi ahaa farsameeyaha saddexda goolba oo uu caawiyey.

Intii ay ciyaartu socotay, waxa dhacay qaladaad uu sameeyey garsoorihii ciyaarta dhexdhexaadinayey, waxaana midka ugu weyn eee jamaahiirtu ay arkayeen uu ahaa rikoodhe caddaan ah oo daqiiqaddii 93aad laga diiday Lionel Messi oo la qabsaday xilli uu goolka Betis ku socday, hase yeeshee waxa kale oo iyaguna dareenkooda lahaa kaadhkii casaa ee loo taagay Nabil Fekir oo u muuqday mid lagu degdegay iyo go’aamo kale oo ciyaarta dhexdeeda ahaa.

Andujar Oliver oo hore garsoore uga soo noqday horyaalka waddanka Spain ee LaLiga, ayaa waxa uu farta ku fiiqay qaladaadkii dhacay ee garsooruhu ilduufay, waxaamu hoosta ka xariiqay Saddex dhacdo.

Oliver waxa uu ugu horreyn ka hadlay rikoodhihii laga diiday Lionel Messi oo xattaa aan loo soo daawanin VAR, waxaanu yidhi: “Waa wax lala yaabo in aan loo dhigin Rikoodhe. Waxa laga yaabaa in garsooruhu aanu arkaynin laakiin VAR ayay ahayd inay xalliso.”

Daqiiqaddii 72aad, ciyaartoyga Real Betis waxay u yaaceen dhinaca garsooraha iyagoo doonayey in uu meesha ka saaro gool uu dhaliyey Clement Lenglet oo ahaa midkii guusha siiyey Barcelona waxaanay dooddoodu ahayd in la tuuray laacib ka tirsan ka hor intii aanu goolka dhalinin.

Khabiir Oliver oo dhuuxay haddii goolkaasi uu sax ahaa iyo haddii kale ayaa waxa uu yidhi: “Waxay i,a tahay garsooruhu uu ku saxsanaa inuu (Barcelona) siiyo goolka. Waxa uu ku guuleystay bootinta oo uu ciyaarta kaga dhigay 3-2.”

Sergi Roberto ayay ahayd in uu kaadh cas qaato qaybtii hore oo uu qalad xun ku galay Carles Alena oo dhowaan ay Barcelona amaah ku bixisay, waxaana Andujar Oliver uu rumaysan yahay in laacibkaasi uu laba jeer sameeyey qaladaad uu laba kaadh oo cas ku qaato, waxaanu yidhi: “Waxay ahaayeen laba qalad oo kaadh u qalmayey. Waxay ahayd in ciyaarta laga saaro intii aan nasashada la tegin.”