Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo ka hadlay weerarka Qoryooleey

0
231

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ee ku sugan degmada Qoryooley ay ka hortageen weerar  loo adeegsaday Gaari qarax sidey oo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ku qaadeen degmadaas.

Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay doonayeen inay qaraxaasi ku bur buriyaan Buundada degmada Qoryooleey si isku socodka dadka iyo Gaadiidka u istaagaan,waxaana uu sheegay in dagaalka lagu diley Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

“Waxaan u hambalyeynayaa ciidamadeena degmada qoryooley kuwaas oo difaacay shacabka degmada kana hortagay qarax baabuur la rabay in lagu burburiyo buundada degmada,waxaa shabaab looga dilay dagaalka mileeshiyaad badan waxaana looga furtay hub uu ka mid yahay qoriga BKMka waxaana hada la hayaa 3 meyd oo ay ka carareen alshabaab ayuu yiri”Gudoomiye Nahax.

Marka laga soo tago Qoraalka Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa Wararka Madaxa bannaan oo aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay Gaari qarax siday ku bur buriyeen Buundada degmada Qoryooleey,sidoo kalena Xaafado ka tirsan degmada Qoryooleey ay galeen Al-Shabaab.