Kooxda Manchester City oo labo xilli ciyaareed laga ganaaxay Horyaalka Qaaradda Yurub

0
88

Xiriirka Kubadda Cagta Qaaradda Yurub ee Uefa ayaa labo xilli ciyaareed kooxda Manchester City  ka ganaaxay dheelista horyaalka qaaradda yurub ee Champion’ Liig’ga.

Sidoo kale kooxda Man City ayaa lagu ganaaxay in ay bixiso lacag dhan 30 milyan oo yuurow.

Masuuliyiinta kooxda ayaa sheegtay in ay aad uga niyad jabeen go’aanka kooxda balse ay nacfaan ka qaadan doonaan.

Sidoo kale waxaa jirto cabsi ah in kooxda Manchester City laga dhimo dhibcaha horyaalka Ingiriiska ay ka heesato maadaama wada shaqayn wanaagsan ay ka dhaxeeso xiriirka ku badda cagta ee qaaradda yurub iyo kan Ingiriiska.