Macalin Maxamuud “Hubkeena waan raadsaneynaa, kumana dhibeyno Dowladda iyo dad kale oo fog.

0
219

Hogaamiyaha guud ee Ahlu Sunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax oo ka hadlayay Munaasabad ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb waxa uu ka hadlay Xaaladda Amni ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Waxa uu sheegay in dhacdooyin liddi ku ah Amniga ay waayahaan kusoo kordheen Magaalada Dhuusamareeb, iyada oo ay ku sugan yihiin Ciidamadii gacanta ku hayay mas’uuliyadda Ammaanka.

Macalin Maxamuud waxa uu tilmaamay in aan la aqbali Karin falalka Amni darro ee kasoo cusboonaaday Magaalada Dhuusamareeb, ayna dib u qaadanayaan wax ka qabashada dhibaatooyinka cusub sida uu hadalka u dhigay.

Hogaamiyaha Ahlu Sunna ayaa sheegay in marka ay arkeen Qaraxyada ay muujineyso in Xarunta Galmudug ay u gacan-gashay Al-Shabaab oo ay kala dagaalameen Dhuusamareeb sida uu yiri.

“Laga bilaabo XIligaan waxa aan raadsaneynaa waxa aan hub leenahay, waan soo qaadanayenaa oo waan wadaneynaa, Ruux Muslim ah kuma dhibeyno, Dowlad kuma dhibeyno, dad fog kuma dhibeyno, mana u dulqaadan karto waxa socda” ayuu yiri Macalin Maxamuud.

Maamulka Ahlu Sunna waxa ay Dowladda Federaalka ku wareejiyay Ciidamo, Hub iyo Gaadiid dagaal, waxaana lagu kala biiriyay ciidamada kala duwan ee DFS, waxaana la dalacsiiay qaar kamid ah saraakiisha ciidanka Ahlu sunna.

Previous article
“SOOMAALIYA WAXA AY U QALANTAA IN DAYNTA LAGA CAFIS” HAY’ADDA LACAGTA EE IMF IYO BANKIGA ADDUUNKA.

Newsroom

Home


RELATED ARTICLESMORE FROM AUTHOR

BANAADIR
“SOOMAALIYA WAXA AY U QALANTAA IN DAYNTA LAGA CAFIS” HAY’ADDA LACAGTA EE IMF IYO BANKIGA ADDUUNKA.

GUDAHA/WARARKA
CIIDAMADA AMMAANKA JUBBALAND OO HOWLGAL KU QABTAY DAD AY KU TUHMAYAAN QARAX KA DHACAY KISMAAYO.

BANAADIR
MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA HADLAY XAALADDA AMNI, FARAGELINTA DOWLADAHA, IYO DOORASHADA DALKA.

GUDAHA/WARARKA
SHIRKADDA BEDER OO KAALINTA 1AAD KAGASHAY TARTANKA SHEEK ZAYID EE CAANAHA GEELA!

BANAADIR
MADAXWEYNE FARMAAJO:-WIXII WAQOOYI KA DHACAY MA AHAYN KOOFUR OO WUQOOYI KU DUUSHAY.

GUDAHA/WARARKA
GOLAHA WASIIRADA HIRSHABEELLE OO KULAN KA YEESHAY FATAHAADAHA WABIGA SHABEELLE.
TOOS U DHEGEYSO
BOOQO HTTP://WWW.MUSTAQBALRADIO.NET/

ALTA & WARDI-HEESTA SABARTI

BURBURINTA RAADKA ISLAAMKA EE MAKA

HANBALYO DHAMMAAN

C/NUUR: HANBALYO MUSTAQBAL