Masuuliyiin ka tirsan Puntland oo qiimeyn ku sameynaya saldhigyada ciidamooda ay ku leeyihiin Galgala.

0
245

Guddiga tirakoobka iyo dib u habaynta ee ciidamada Puntland ayaa gaaray Saldhiyada  ciidamada Maamulka Puntlaland ku leeyihin ee buuraleyda Galgala oo qeybo ka mid ah ay ku sugan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish.

Wafdigan oo ay hoggaaminayeen Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Abdisamed Mohamed Gallan iyo Taliyaha ciidamada Daraawiishta Gen. Yasiin Omar Dheere ayaa u jeedkoodu ahayd u guur-galka xaaladaha ay ku sugan yihiin ciidamada Puntland ee ka hawlgala buuraleyda Galgala.

Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyey ku howlanayd tirakoob iyo dib u habayn ay ku sameynaysay ciidamada.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa horey u balanqaaday in uu dhisi doono ciidamo tiradooda iyo tayadooda la hubo.