Maxay shan dal ku diideen dadka saaran markabkan?

0
176

Markab nooca dalxiiska ah oo lagu magacaabo MS Westerdam ayaa gaaray deked ku taala dalka Colombia, ka dib markii shan dal oo caalamka ah ay diideen in ay u oggolaadaan in uu kusoo xirto dalkadahooda.

Markabkan oo ay saaran yihiin dad gaaraya afar kun oo qof oo dalxiisayaal ah waxaa loo diiday in ay ka degaan shan dal oo kala ah Taiwan, Guam, Philippines iyo Japan, waxaana looga shakiyay inay qabaan xannuunka Coronavirus.

Markab kale oo tegay dalka Japan toddobaadyo kahor, waxaa dadkii saarnaa laga helay laba boqol oo qof oo qaba caabuqa Corona, waxaana taas ay keentay in dalal badan ay ka aragagaxaan dadka saaran markabkan, haseyeeshee illaa iyo hadda ma jiro dad laga helay xannuunkaas oo saaran markabkaas.

Maalma kahor ayuu markabkan isku dayay in uu tago Magalaada Bangkok ee dalka Thailand, balse Dowladda dalkaas ayaa u diiday in uu kusoo xirto mid ka mid ah dekadaheeda.

Ciidanka badda ee Thailand ayaa sii ambabaxiyay markabka, si aan ugu dhaqaaqin qeyba kale oo kamid ah dalkaas.

Markabkan ayaa ugu dambeyntii gaaray dekeda Sihanoukville ee dalka Colombia, ka dib markii Dowladda dalkaas ay aqbashay inay soo dhaweyso dadkaas.

Rakaabka saaran markabkan ayaa loo oggolaaday inay gudaha u galaan dalkaas, waxaana wasiirka caafimmaadka ee Colombia uu sheegay in 27 ka mid ah dadkaas lagu sameeyay baaritan tijaab ah, wax cudur ahna aanan laga helin.