Sharci muhiim ah oo maanta la hor geynayo golaha Aqalka Sare

0
225

Senatorrada Aqalka Sare ee baarlamanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah akhrinta labaad marinaya hindise sharciyeedka jaangoynta dalka, oo ay u gudbisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumadda Soomaaliya.

Fariin loo diray Senatorrada golaha Aqalka Sare waxaa lagu sheegay in ajendaha fadhigooda maanta uu yahay marsiinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka jaangoynta.

Sharcigan ayaa waxaa horay u soo ansixiyey oo uu ka soo gudbay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Senatorrada waxaa hortagaya maanta wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Cali Xasan.

Sidoo kale sharcigan ayaa waxaa golaha ka hor akhrin doona guddiga Aqalka Sare u qaabilsan arrimaha sharciyada ganacsiga.