Xaliimo Yarey” Ma jiro Xisbi doorasho ka qeyb gali kara”

0
284

Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo yarey) oo warbaahinta kula hadashay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ka hadashay arimaha doorashooyinka qaranka iyo arimo kale.

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in aysan jirin xisbi siyaasadeed oo xiligan ka qeyb geli kara doorasho ka dhacda dalka.

Sababta ayay ku sheegtay guddoomiye Xaliimo Yarey in ay tahay in waqtigan ay wax badan ka dhiman yihiin nidaamka xisbiyada.

Hadalkan ayaa waxaa ay ka sheegtay guddoomiye Xaliimo Yarey, kadib markii xalay ka qeyb gashay dood looga hadlayay doorashooyinka oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in 2021-ka ay ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah dalka, halka xildhibaannada Baarlamaanka iyo guddiga doorashooyinkaba ay sheegeen in doorasho qof iyo cod ah aysan dalka ka dhici Karin.