C/raxmaan C/shakuur: “Ma jirto illaa hadda deyn Soomaaliya laga cafiyey”

0
347

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa dowlada Somalia ugu hambalyeeyey guulaha ay ka gaartay hanaanka deyn cafinta Somalia oo ay soo gaarsiisay heerka 3aad.

C/raxmaan C/shakuur waxaa uu dhinaca kale sheegay ineysan jirin deyn illaa hadda laga cafiyey Somalia, isagoo madaxda DF ku dhaliilay iney shacabka been u sheegayaan.
Qoraal arrimahan la xiriira oo C/raxmaan C/shakuur uu soo dhigay bartiisa facebook ayaa u qornaa sidatan:-

———————————————————————————————–

Waxaan ugu hanbalyeynayaa xukuumadda guusha ay gaartay oo ah in Soomaaliya ay ka soo gudubtay wejigii seddexaad ee geeddi socodka dayn cafinta. Laakiin waxaan marna habooneyn in ay madaxdu si ula kac ah dadweynaha u marin habaabiso.

Waxey hoggaanka dowladda iyo inta la socota geeddi socodka deyn cafinta ee Soomaaliya iyo ajnabiba leh ogyihiin in aysan jirin deyn Soomaaliya laga cafiyey, ee keliya laga soo gudbay imtixaankii wejigii seddaxaad ee geeddi socodka deyn cafinta oo la soo gaaray marxaladdii go’aan qaadashada (Decision Point).

Xukuumadda waxaa ku filan in an ku faanto una dabbaal degto hawsha ay ka soo qabatay si loo gaaro marxaladda go’aan qaadashada oo ah wejigii seddexaad ee deynt cafinta.

Waxaa weli dhiman marxaladdii dhammaystirka ama gunaanadka ( Completion point), taasoo ah marxaladda deynta lagu cafin doono, waa haddii aan ka soo baxno shuruudaha ku xiran marxaladdaas, waxeyna ugu yaraan qaadataa 3 sano ugu badnaan 16 sano.

Waxaa horay loo soo maray marxaladdii dib u soo noolaynta xariirka Hay’adaha Maaliyada Adduunka (Reengagement). Waxaa loo baahnaa dalku in uu dastuur yeesho, ku meel gaarkana ka baxo. Waxay dhacday 2012.

Waxaa xigay marxaladdii labaad ee 2012-16 oo la dhisay Hanti-Dhowr, Sharciga Bangiga Dhexe, Diiwaan Gelinta shaqaalaha rayidka, dhismaha Golaha Maaliyadda -Financial Governance Committee- (FGC), iyo ambaqaadka hawlaha kale ee barnaamijka ay shaqaalaha hay’adda lacagta Adduunka (IMF) ku dabagelayeen hawlaha dhimman ee loo yaqaannay Staff Monitoring Program (SMP).

Dowladda Federaalka ee N&N waxay soo gaarsiyeen geedi socodka hawlaha deyn cafinta marxaladdii seddaxaad. Ka sokow in ay dhammeystireen hawlihii ay qabyada uga tagtay dowladdii ka horraysay, waxa ugu muhiimsan ee ay dowladdani qabatay waa in ay dhamaystirtay inta badan sharciyada ka harsanaa SMP, in ay kordhisay dakhliga dowladda, in ay diyaarisay Istiraatiijiyafda dhimista faqriga iyo in ay IMF, Baanka Adduunka iyo Baanka Afrika daymihii ay dawlada ku lahaayeen u heshay dalal kala wareega daymahaas.

Hay’adaha IMF, Baanka Adduunka iyo Baanka Afrika lacago deyntooda ma cafiyaan. Haddaba si ay hay’adahan seddaxda oo aan la’aatood tillaab la qaadi karin ayaa si deyntooda looga lug baxo, hawlaha deyn cafintana dowladda Soomaaliya kala shaqeeyaan ayey qasab noqotay in marka hore iyaga deyntooda la gudo.

Isku darka lacagta uruurtay ee ay nagu leeyihiin seddaxdan hay’adood waa ku dhowaad $800 Malyan. Soomaaliya siddeed boqol oo malyan oo doolar ma iska bixin kartaa? Jawaabtu waa maya, Haddaba sidee loo bixiyey?

Dowladaha Norway, Ingiriiska, Talyaaniga iyo Midowga Yurub ayaa Soomaaliya u sameeyey deyn wareejin oo macnaheedu yahay in ay iyagu bixiyeen deyntii ay nagu lahaayeen, Baanka Adduunka, iyo Baanka Afrika, iyaguna ay Soomaaliya ku leeyihiin dayntii ay naga siiyeen labada Banki, taasoo weliba dulsaar siyaado ah ugu jiro.

Hay’adda lacagta aduunka IMF, ma helin dowlad ama dawlado daynteeda ka bixiya Soomaaliya, laakiin dowladda Ingiriiska ayaa IMF kala shaqaysay in dawladaha xubnaha ah IMF oo 100 dawladood gaaraya ay qaaramaan deyn wareejin Soomaaliya loo sameeyo, taasoo ay dowlad walba bixisay qaybteeda. Ogow dowladaha naga guday daynta IMF way nagu leeyihiin sida kuwii naga guday labada Banki ee Adduunka iyo Afrika.

Waxa maanta la gaaray waa go’aan qaadashadii deyn cafinta, oo macnaheedu yahay waxaan ka soo lug baxnay Baanka Adduunka, IMF iyo Baanka Afrika, waana arrin mudan in la soo dhoweeyo, dowladduna ay ku faani karto, laakiin faanoolee weli far kama qodna.

Marxalada dhammaystirka ama gunaanadka (Completion Point)

Mar haddii aan Baanka Aduunka, IMF, iyo Baanka Afrika, kasoo lug baxnay waxay seddaxdaan hay’adood dalkeenna kala shaqaynayaan sidii deynta dhimman oo gaaraysa $4.4 Bilyan noolaga cafin lahaa, taasoo ah Marxalada Dhammaystirka ama Gunaanadka (Completion Point)

Waxaa dawlada Soomaaliya laga rabaa in sharciyadii ay samaysay dhaqan geliso iyo in ay meel mariso qorshihii faqri dhimista, iyo in dakhliga sii kordhiso. Ogow marxaladihii hore waxaa la iska rabay in sharciyada la sameeyo, qorshayaashana la dejiyo. Marxaladdan waxaa la iska rabaa in la meelmariyo.

Haddii seddaxda sano ee soo socota ay IMF, Baanka Adduunka iyo Baanka Afrika ku qancaan dhaqan galka hawlaha Dowladda Federaalka ah laga rabo, waxey ka codsan doonaan hay’adaha iyo dowladaha deynta ku leh Soomaaliya in ay ka cafiyaan lacagtooda.

Hay’adaha lacagta nagu leh waxaa ka mid ah ,Sanduuqa Lacagta Carbeed, Arab Monetary Fund (AMF), Sanduuqa Carabta ee Dhaqaalaha iyo Horumarinta Bulshada, Arab Fund for Economic and Social Development (AFESD), Sanduuqa OPEC Horumarinta Caalamiga ah, OPEC Fund for International Development (OFID), Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha, International Fund for Agricultural Development (IFAD)

Waxaa kaloo deynta ugu badan Soomaaliya ku leh wadammada ku jira Naadiga Baaris, (Paris Club) oo ay ugu dayn badanyihiin Maraykanka, Ruushka, iyo Talyaaniga. Waxaa kaloo jira wadammo aan ku jirin Naadiga Baaris ee ay ka midyihiin Aljeeriya, Bulgaariya, Ciraaq, Liibiya, Roomaaniya, Sacuudiga, Kuwayt, iyo Imaaraatka.

Hoggaanka dowlada waxaa ku filan in ay sheegtaan hawsha ay qabteen weliba si tawaaduc iyo run sheeg leh. Laakiin waxaa xishood darri ah in deyn la kala wareejiyey lala meel dhigo in Soomaaliya dib u xorowday. Waxaa iyadana masuuliyad darri ah in safar dheer oo weli socdkiisu dhimman yahay, laakiin saadaadiishu wanaagsan tahay, dadwaynaha lagu siro lagana dhigo in uu soo idlaaday.

Guusha si ay mid qaran u noqoto waa in laga abaal naqo hawlihii ay dowladihii hore ka soo qabteen, lagana run sheego caqabadaha harsan, si tawaaduc lehna loo sheego waxa uu hoggaanka markaa jooga qabtay.