{DHAGEYSO} Hir-Shabeelle oo ka digtey fatahaado Markale ka dhaca deegaanada Maamulkaas

0
188

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Maamulka Hir-Shabeelle Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim(Daqare) ayaa sheegay in xilligaan ay jirto cabsi ku aadan in Wabiga Shabeelle uu fatahaad markale ka sameeyo deegaano ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle.

Wasiir kuxigeenka oo lahadlai hiiraanweyn waxa oo u sheegay in dhawaan la guda geli doono xilli roobaad wabigana uu biyo badan keeni doono,isla markaana ay jiraan 51 Goobood oo Wabiga uu ka fatahi karlo,kuwaas oo ku yaalla laga soo bilaabo deegaanka deefoow ee Gobolka Hiiraan iyo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqaay Hay’adaha Caalamiga ah,madaxda Dowladda iyo Madaxda Hir-Shabeelle inay ka qeyb qaataan sidii looga hortegi lahaa fatahaad uu markale Wabiga Shabeelle ka sameeyo deegaano ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Maamulka Hir-Shabeelle Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim waa oo u waray wariyaha hiiraanwey Xasan wali cumar iidoow

Halkaan hoose ka dhageyso