Guddida Olambikada Adduunka Oo Go’aan Rasmi Ah Ka Gaadhay Qabashada Ciyaaraha Olambikada Sannadkan

0
199

Guddida Olambikada Adduunka ee magacooda loosoo gaabiyo IOC ayaa go’aan ka gaadhay ciyaaraha badhtamaha sannadkan lagu qabanayo magaalada Tokyo oo ay ka qayb-gelayaan dhamaan isboortiyada kala duwan, sida kubadda cagta, orodka, dabbaasha, feedhka, bootinta, iyo nooc kasta oo ciyaar ah.

IOC ayaa hore adduunka wareer ugu ridday markii ay ku adkaysteen in aan dib loogu dhigi doonin dhacdo ciyaareedkan weyn caabuqa Coronavirus oo sababay in la joojiyo dhamaan ciyaaraha kala duwan, laakiin war ay mar dhoweyd soo saareen ayaa Thomas Batch oo ah madaxweynaha guddida Olambikadu uu ku sheegay in muddo afar toddobaad ah ay dib u dhigeen dhacdooyinka ciyaareed ee Olambikada ee sannadkan.

Thomas Bach waxa uu sheegay in ciyaaraha olambikada oo la qaban lahaa July 24 illaa August 9 ay saacadaha soo aaddan shaacin doonaan waqtiga rasmiga ah ee ay qaban doonaan, hase yeeshee waxa uu caddeeyey in hadda ay go’aan ku qaateen in afar usbuuc ay dib u dhigaan.

Guddida IOC waxay meesha ka saareen in dib loo dhigi doono Olambikada muddo sannad ah si la mid ah UERO 2020 iyo Copa America, waxaanay ku doodeen in waqtiga kooban ee ay dib u dhigayaan ay suurtogal tahay in dunida ay kaga adkaato caabuqa Coronavirus.

Go’aankan cusub oo la filayo in ay suurtogal tahay in mar kale dib-udhac ku yimaaddo, waxa aanu dib idiinka soo gudbin doonaa waqtiga ay saacadaha soo socda shaaciyaan inay qaban doonaan.