Magacyada Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo La shaaciyay

0
164

Kulankii ugU horeeyey oo ay Maanta Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ku yeesheen Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay ku ansixiyeen Guddiga diyaarinta doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

Guddiga oo ka kooban 15 Xubnood ayaa dhamaantood waxaa laga soo xulay Xildhibaannada koonfur Galbeed,waxaana ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyey Xildhibaannada koonfur Galbeed ee Maanta Shirka yeeshay.

Guddiga la Magacaabey ee doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa laga sugayaa diyaarinta doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo iclaaminta waqtiga rasmiga ah oo ay dhaceyso.