Manchester United Oo Shaacisay Qiimaha Ay Ku Iibinayso Paul Pogba

0
232

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa go’aan ku gaadhay in xagaagan ay iska iibiso xiddiga reer France ee Paul Pogba, kaas oo lala xidhiidhinayo kooxaha Juventus iyo Real Madrid.

Pogba oo ay da’diisu tahay 27 jir ayaa ku maqan dhaawac  soo gaadhay dhamaadka sannadkii hore, ayaa waxa heshiiskiisa Old Trafford ka hadhay sannad, hase yeeshee waxa United ay haysataa sannad kale oo ay qandaraaskiisa ay ku kordhin karto sida uu dhigayo heshiiskii hore, waxay diyaar u tahay inay albaabada ka furto oo ay dhegaysato dalabyada laga soo gudbinayo.

Sida uu qoray wargeyska The Sun ee kasoo baxa UK, United waxay hoos u dhigtay qiimaha ay ciyaartoygan ku iibinaysay oo bishii July ee sannadkii hore ay ku sheegtay £180 milyan, laakiin waxay markan ka dhimaysaa inta dheer boqolka, iyadoo u ogolaan doonta inuu ku biiro kooxda la timaadda £100 milyan.

Sannadkii 2016, ayay Manchester United kaga soo iibsatay laacibkan Juventus lacag dhan £89 milyan, laakiin xili ciyaareedkan ayaa kaliya uu u saftay siddeed kulan oo kaliya, halka uu inta kalena dhaawacyo u jiifay.

Waqtigan waxa uu ku sugan yahay magaalada Dubai oo uu ku qaadanayo tababar iyo barnaamij uu kaga soo kabanayo dhaawacyada, laakiin shalay ayaa muuqaal uu iska soo duubay isaga oo xidhan funaanadda kooxda Juventus oo dhabarka uu kaga qoran yahay magaca laacibka ay isku waddanka yihiin ee Matuidi oo la dhibaatoonaya xanuunka Coronavirus oo ku dhacay.