Ruushka iyo Soomaaliya oo ka wadahadlay arrimaha deyn cafinta

0
179

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa qadka isgaarsiinta ee la iska arko kula shiray mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda maaliyadda dowladda Ruushka.

Shirkaas ayaa looga hadlay arrimaha deyn cafinta iyo sidii Ruushka uu uga cafin lahaa deynta uu ku leeyahay Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka maaliyadda dalka Ruushka Timur Maksimov iyo xubno kale ayaa qeyb ka ahaa kulanka, waxayna xubnaha Ruushku warbixin ka dhageysteen wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

War qoraal ah oo uu soo saaray Wasiir Beyle ayuu ku sheegay in ay ka wadahadleen sidii Ruushka uu Soomaaliya deynta uga cafin lahaa.

Ruushka ayaa ah dalka labaad ee lacagaha ugu badan ku leh Soomaaliya, waxaana jirta rajo weyn laga qabo in deymaha laga cafiyo Soomaaliya.