Shaxda Kooxdii Ugu Wanaagsanayd Xili-ciyaareedka Premier League Oo Lasoo Saaray, Naadiga Ciyaartoyda Ugu Badan Ku Yeeshay Iyo Qaabka Lagu Soo Xulay

0
214

Khabiirka ciyaaraha Garth Crook ayaa soo xushay shaxda kooxdiisii ugu fiicnayd xili ciyaareedkan horyaalka Premier League ee hakadka galay, waxaanu kusoo daray laacibiin aanay cidina filaynin inay kasoo muuqan doonaan liiska ciyaartoyda sannadka, isagoo ka reebay xiddigo bandhig layaab leh sameeyey oo guulo waaweyn soo hooyey.

Crook oo xilligii uu ciyaartoyga ahaa usoo dheelay kooxaha Tottenham iyo West Bromwich Albion, haddana ka tisan falanqeeyeyaasha BBC Sports, waxa uu si joogto ah bogga BBC-da ugu soo qoraa kooxda ugu wanaagsan toddobaadkasta horyaalka Premier League oo uu isagu soo xusho.

 

Horyaalka Premier League oo waqtigan hakad ku jira, isla markaana ay Liverpool 25 dhibcood ku hoggaaminayso, waxa la filayaa in dib loo bilaabo horraanta bisha June ee soo aaddan, iyadoo garoomo albaabadu u xidhan yihiin lagu ciyaari doono.

Waqtiga fasaxa, Gareth Crook waxa uu soo saaray kooxdii ugu wanaagsanayd xili ciyaareedka illaa hadda, taas oo qiimaynteeda uu ku salleeyey kooxihii toddobaadlaha uu usoo saari jiray.

Shaxdan oo ka kooban 3-4-3, waxa goolhaye uu u doortay Ederson oo ka tirsan Manchester City oo shan usbuuc kusoo baxay kooxda ugu wanaagsan, difaacana waxa saddexley iskugu garab taagan Virgil van Dijk, Harry Maguire iyo Gary Cahill oo hadda u ciyaara Crystal Palace.

Khadka dhexe, waxa uu usoo xushay laba ciyaartoy oo Manchester City ka tirsan, mid Manchester United ah iyo Aston Villa oo uu kasoo qaatay laacibka la filayo in xagaaga uu ka tago ee Jack Grealish. Fernandinho, Kevin De Bruyne, Jack Grealish iyo Bruno Fernandes ayuu soo wada xushay.

Afka hore ee weerarka, waxa uu soo qaatay saddex laacib oo kala ah Jamie Vardy, Pierrere-Emerick Aubameynag iyo Sadio Mane.