Siddeed Laacib Oo Liverpool Usoo Ciyaaray Oo Sannadihii Ugu Dambeeyey Ka Fadhiistay Kubadda Cagta Oo Tababareyaal Noqday

0
89

Liverpool ayaa noqotay warshad soo saarta tababareyaasha, waxaana hadda  shaqada tababarenimo ku jira in ka badan siddeed macallin oo sannadihii ugu dambeeyey ka fadhiistay ciyaaraha.

Siddeedan tababare oo ka mid ahaa laacibiintii uu laylin jiray Rafael Bentiez, qaarkoodna la qaadeen Champions League sannadkii 2005, waxay hadda yihiin kuwo guulo ka keenay shaqada tababarenimada.

 

Robbie Keane, Sami Hyypia iyo Maurcio Pellegrino oo Liverpool usoo ciyaaray ayaa hore loo ogaa inay tababareyaal noqdeen, waxaase ka dambeeyey siddeed kale oo raadkooda raacay oo uu ugu caansan yahay Steven Gerrard oo ah tababaraha kooxda Rangers ee horyaalka waddanka Scotland, halkaas oo ay kaalinta labaad kaga jirto miiska kala-sarraynta, sidoo kalena ay tartanka Europa League ka dheelayso.

Tababareyaashan oo qaarkood aanay waqti badan ku qaadanin Anfield, kuwo kalena cimrigooda oo dhan usoo hibeeyeen naadiga funaanadda cas, waxay qaarkood ka mid yihiin macallimiinta mustaqbalka lala xidhiidhinayo inay beddelayaan Jurgen Klopp, waxaana kuwaas hormood u ah Steven Gerrard oo taageereyaasha Reds ay u arkaan inuu yahay tababaraha mustaqbalka Liverpool oo kaliya uu khibrad soo helayo.

Macallimiintan waxay iskugu jiraan kuwo tababareyaal buuxa ah, ku-xigeenno, tababareyaal kulliyadaha da’yarta ah iyo kuwo kale oo tababare xigeenka saddexaad ah.

Halkan ka akhriso siddeedda tababare iyo kooxaha ay joogaan

Steven Gerrard – Tababaraha koowaad ee kooxda Rangers

Djimi Traore – Tababare ku-xigeenka kooxda Seattle Sounders

Igor Biscan – Tababaraha xulka qaranka Croatia ee 21 jirrada (U21)

Robbie Fowler – Tababaraha koowaad ee kooxda Brisbane Roar

Craig Bellamy – Tababaraha kooxda da’yarta Anderlecht

Sebastian Leto – Tababare ku-xigeenka kooxda Esteghlal