Soomaaliya oo laga helay kiiskii labaad ee Cudurka Covid 19

0
210

Wasiirka wasaarada Caafimaadka Soomaaliya Fowziyo Abiikar Nuur Shir jaraa’id ku qabatay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay shaaca ka qaaday  in qofkii labaad  laga helay cudurka Coronavirus.

Qofka laga helay Corona Virus ayaa waxaa uu kamid ahaa dhalinyaradii saaraakiisha ciidanka ahaa ee tababarka u aaday Talyaaniga oo dhowaan dib ugu soo laabtay Muqdisho, isaga iyo 3 kale ayaa la karantiilay markii labo todobaad ka hor ka soo dageen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada  Muqdisho.

Dhawaan ayay aheyd markii Dawladda Soomaaliya ay xaqiijisay in qofkii ugu horeeyay oo  Soomaali ah laga helay cudurka CoronaVirus.

Dawladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay inay diyaarisay cisbitaal haddii ay xaalado soo baxaan lagu daaweeyo.

Wasiirka duulista hawada Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa isna sheegay inay dawladdu joojisya dhammana duulimaadyada caalamiga ah ee yimaada kana baxa dalka.