WAR DEG-DEG: Koox Ingiriis Ah Oo Shaacisay SADDEX Laacib Oo Uu Ku Dhacay Xanuunka Coronavirus

0
227

Xanuunka halista ah ee Coronavirus ayaa adduunka kusii faafaya, waxaana illaa hadda u dhintay dad ay tiradoodu ku dhowdahay 12,000 qof, waxaana dalalka uu sida xun ugu faafayo ee dhimashada ugu badan uu ka geystay waqtigan ka mid ah Talyaaniga, Jarmalka, Isbaanishka, Maraykanka iyo Iran, sidoo kalena Shiinaha ayaa sookabasho sameeyey, hase yeeshee waddanka Ingiriiska oo ku dhowaad 200 qof ay illaa hadda u geeriyoodeen, waxa maanta la xaqiijiyey in saddex ciyaartoy oo isku koox ah uu ku dhacay.

Naadiga Portsmouth ee heerka saddexaad ee Ingiriiska ayaa waxay shaacisay in saddex ka mid ah xiddigaheeda uu ku dhacay Coronavirus, isla markaana la sugayo baadhitaano lagu sameeyey kala badh ciyaartoygeeda oo laga shakisan yahay, kuwaas oo warbaahinta loo soo bandhigi doono haddii caabuqa laga helo.

Portsmouth waxay sheegtay in saddexda laacib ee xanuunka laga helay illaa hadda ay yihiin xiddigaha muhiimka ah ee James Boldon, Andy Cannon iyo Sean Raggett oo astaamihii Coronavirus kasoo ifbaxeen, xanuun daranna dareemaya.

Agaasimaha fulinta kooxda ayaa sheegay in habeenkii xalay lagu wargeliyey saddex ciyaartoy oo uu caabuqani ku dhacay, laakiin baadhitaano kale oo lagu sameeyey ciyaartoyga kale ee kooxda lasoo bandhigi doono.

“Warka waxaan helay xalay, isla markiiba waxaan la hadlay Kenny iyo madaxa dhakhaatiirta naadiga Bobby Bacic. Kenny iyo aniga ayaa la hadalnay dhamaan saddexda ciyaartoy. Kubaddu cagtu kama badqabto faraysaska, waxaanan xaqiijin karayaa in guryahooda ay joogaan oo aad la xidhiidhi karaysaan.” Ayuu yidhi Mark Catlin oo ah agaasimaha fulinta.

“Dhamaan saddexda ciyaartoy waxay ahaayeen kuwo niyad wanaagsan oo deggan, waxaanay muujinayeen astaamo sahlan.” Ayuu raaciyey.

Portsmouth ayaa ahayd kooxdii la ciyaartay Arsenal wareegga 16-ka FA Cup, xilligaas oo tababare Mikel Arteta la tuhunsan yahay inuu qabay caabuqa oo uu ka qaatay mulkiilaha naadiga Olympiacos ee waddanka Giriiga oo ay wada dheeleen kulan ka tirsanaa Europa League.

Si kastaba ha ahaatee, xanuunkan ayaa ku faafaya adduunka, waxaanu sababay in dib loo dhigo dhamaan horyaallada kala duwan ee qaaradda Yurub sida horyaalka Premier League iyo tartamada ka hooseeya ee Ingiriiska.