Wasiir Khadiijo oo markale sheegtay in la hakiyay Tartamada Ciyaaraha Soomaaliya.

0
174

Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya oo maanta warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay markale  sheegtay in la joojiyay dhamaan Tartamada Ciyaaraha Soomaaliya.

Wasiir Khadiijo ayaa sheegtay in la hakiyay dhamaan taratamada ay qabanayeen Olombikada Soomaaliyeed si looga hortago  Cudurka cudurka Corono Virus oo Soomaaliya laga helay.

Sidoo kale Wasiir Khadiijo  ayaa sheegtay in ay u hoggaansamayaan amarka Madaxda Sare ee dowladda Somaaliya, kaasi oo ahaa in la hakiyo dhamaan kulamada iyo safarada, si looga fogaado khatarta cudurka Covid 19.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya oo sii hadlaysay ayaa waxaa tilmaamtay in muddooyinkii dambe ay  tixgelin siinayeen Ciyaartoyda iyo macaliminta Ajaanibta si Ciyaaraha loo fasaxo, hayeeshee ay suurtagal noqon weysay sababo la xiriira Cudurka Coronavirus.