Chelsea Oo Qarka U Saaran Coutinho, Barcelona Oo Iska Daysay Willian, Sadio Mane Oo Ku Dhowaaday Ku Biirista Man United Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta

0
104

Inkasta oo uu xidhan yahay suuqa iibka ciyaartoygu oo la filayo in horraanta bisha June uu furmo, haddana kooxaha waaweyn ayaa waxay ku hawlan yihiin sidii ay ciyaartoyga ay doonayaan uga sii dhaadhiciyaan inay heshiisyadooda ogolaadaan, waxaanay qaarkood haddaba lasii gelayaan qandaraasyo hor dhac ah.

Warbaahinta adduunka ayaa waxay si taxani ah usoo bandhigaan xogtii ugu dambaysay ee suuqa iyo dhaqdhaqaaqyada ay kooxuhu samaynayaan, kuwaas oo isugu jira warar xan ah iyo kuwo run ah oo raadkoodu muuqdo.

Haddaba waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyey ee suuqa iibka ciyaartoyga ee maanta oo Khamiis ah ay qoreen wargeysyada waaweyn ee dunidu:

Chelsea waxay ku jirtaa wada-hadallo ay heshiis kula saxeexanayso xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho oo ay kasoo qaadanayso Barcelona. 27 jirkan hore ugu ciyaari jiray Liverpool ayaa dhowaan kasoo laabanaya amaah uu ugu maqan yahay Bayern Munich. (Sport)

Manchester United iyo Napoli ayaa doonaysa laacibka Real Madrid ee James Rodriguez oo 28 jir ah. (AS)

Kubbad-sameeyaha Aston Villa ee Jack Grealish oo 24 jir ah, waxa uu wali yahay bartilmaameedka koowaad ee Manchester United. (Evening Standard.)

Barcelona waxay hoos u dhigtay fursad ay kula saxeexan karaysay laacibka Chelsea iyo Brazil ee Willian, inkasta oo uu 31 jirkan xor ugu biiri karayay dhamaadka xili ciyaareedkan. (Sport)

Chelsea ayaa wada-hadallo la furtay difaaceeda ANtonio Rudiguer oo ay doonayso inuu saxeexo heshiis cusub oo soconaya ilaa 2023. (Sky Sports)

Napoli waxay xiisaynaysaa garabka weerakra West Ham ee Felipe Anderson oo 26 jir ah. (Corriere dello Sport)

Difaacyahanka Diego Carlos ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Sevilla, xilli ay xiisaynayso Liverpool. 27 jirkan reer Brazil ayaa heshiiskiisa lagu burburin karayaa lacag dhan £64 milyan.

Xiddiga Liverpool ee Sadio Mane ayaa sheegay inuu doonayay inuu ku biiro Manchester United  ka hor intii aanu tegin Liverpool. (Times)