“Haddii Sadio Mane Uu Doonayo Ballon d’Or Waa Inuu Iskaga Tago Liverpool”

0
107

Sadio Mane waxa uu u baahan yahay inuu iskaga tago Liverpool si uu u gaadho damaciisa ah inuu ku guuleysto Ballon d’Or oo ah abaal-marinta shaqsiga ah ee uu gaadhi karo ciyaartoy kubadda cagta ah. Sidaa waxa rumaysan xiddigii hore ee Senegal ee Diomansy Kamara.

Mane ayaa kaalinta afraad ka galay abaal-marinta Ballon d’Or ee sannadkan, laakiin waraysi uu siiyey wargeyska The Times Salaasadii ayuu ku sheegay in hammigiisu yahay inuu noqdo ciyaartoygii labaad ee kasoo jeeda qaaradda Afrika ee ku guuleysta xiddiga Adduunka, isla markaana uu raaco dariiqii George Weah oo sannadkii 1995-kii Ballon d’Or ku guuleystay.

 

Sidaas oo ay tahay, Kamara oo toddoba sannadood u ciyaaray kooxaha Fulham, Leicester City iyo Celtic ayaa ka walaacsan in Sadio Mane uu riyadiisaas gaadhi kari waayo hadedii aanu ka tegin Anfield.

“Haddii Mane, uu doonayo inuu maalin uun ku guuleysto Ballon d’Or, waa inuu iskaga tago Liverpool maadaama aanay kooxdu ahayn ta ugu fiican ee ugu doodi karaysa (ku guuleysiga abaal-marinta), inkasta oo ay bandhig cajiib ah sameeyeen” Ayuu yidhi Kamara.

“Wuxuu u baahan yahay inuu ku socdo jidka uu hadda ku taagan yahay oo aanu aad uga fogeyn inuu gaadho booskaa, iyadoo uu xattaa sannadkan u qalmayey.

“Waqtigan wuxuu u baahan yahay inuu shaqada sii wado, oo xataa uu kooxda beddelo, sababtoo ah waxaynu aragnay in Liverpool aanay xaqiiqdii aanay door ka ciyaarin inay xoojiso Mane, dadkuna waxay codkooda siinayaan Virgil van Dijk xataa iyadoo Mane iyo Mohamed Salah oo ka hooeeyaa si siman ay u tartamayaan.”