Kiis cusub ee dadka laga helay Corona Virus

0
296

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa sheegtay inay soo kordheen 9 kiis oo Covid-19 ah, dhammaantood waa dad ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

Tirada guud ee dadka qaba Coronavirus ee Soomaaliya waa 21 ruux, tirada bogsatay waa hal ruux kaliya,dhimasho waa hal.

War-saxaafadeed
Coronavirus (COVID-19)

•Maanta oo ay taariikhdu tahay 10/04/2020, waxaan xaqiijinaynaa inay soo kordheen 9 xaaladood oo cusub oo laga helay cudurka Corona. Dadkaan ayaa dhamaantood ah dad ku sugan magaalada Muqdisho oo aan wax safar ah dhowaan galin.

•6 kamid ah waa dad horey iyagu xiriir ula sameeyay qof ka mid ah dadkii horeya cudurka looga helay

• Waxaa ka mid ah dadka maanta laga helay cudurka labo sarkaal oo u shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, taasoo ka dhigaysa tirda guud ee shaqaalaha Wadaaradda Caafimaadka ee uu saameeyay cudurku afar (4)

•Tirada guud ee cudurka Corona laga helay ayaa waxay noqonaysaa 21 qof wadanka oo dhan

•Sida hada inoo muuqata, waxaa xanuunkii uu si aayar ah ugu faafayaa buslshada dhexdeeda

•Waxa aad u haboon in qof walba oo innaga mid ah uu la yimaado taxadar dheeraad ah, lana raaco dhamaan fariimaha iyo talooyinka Wasaarddu ay bixinayso.