Kooxda Ugu Wanaagsan Shanta Horyaal Ee Waaweyn Aduunka Oo Lasoo Xulay

0
110

Waxa lasoo xulay kooxda ugu fiican shanta horyaal ee waaweyn ee qaaradda Yurub ee Premier League, LaLiga, Serie A, Bundesliga iyo Ligue 1, taas oo boos walba loosoo xulay laacibka ugu fiicnaa ama ugu sarreeyey qiimaynta xili ciyaareedkan ee bandhigga gudaha garoonka.

Kooxaha Liverpoo, Juventus, PSG, Barcelona iyo Bayern Munich ayaa kala hoggaaminaya horyaalladan oo hakad la geliyey horraanta bishii ina dhaaftay ee April, laakiin waxa aan si buuxda loo ogeyn xilliga suurtogalka ah ee dib loo bilaabi doono, iyadoo xidhiidhada iyo maamulladu ay hore u muddaysteen ilaa dhamaadka bishan aynu ku jirno.

 

Warbixino ay toddobaadkan gudihiisa soo saareen ayay Premier League, LaLiga, Bundesliga iyo Serie A ku sheegeen in aanay cayimi karin waqtiga rasmiga ah ee horyaallada dib loo bilaabi doono, balse waxay kaliya ku adkaysteen in marka la dareemo xaalado bad-qab caafimaad ah kaliya la ciyaari doono iyadoo garoomo madhan ay ka dhici doonaan ciyaaruhu.

Sidaas oo kale, tartanka Champions League iyo Europa League ayaa iyagna dib loo dhigay, waxaana miiska saaran in horyaallada oo ay ku jiraan Champions League iyo Europa League ay suurtogal tahay in gebi ahaantoodba waxba kama jiraan laga dhigo haddii ay duruufuhu saamixi waayaan in la dhamaystiro.

Xanuunka Coronavirus ee dunida gilgilay, garoomadiina ka dhigay kuwo haawanaya oo dadyowgii adduunka oo dhan guryahooda ka xareeyey, waxay u badan tahay in marka laga adkaado oo lagu qiyaasayo ilaa laba bilood, kaliya ay suurtogal tahay in ciyaaro la dheeli karayo.

Sida ay qiimaysay shabakadda xogta ururinta iyo baahinta wararka ee WhoScored, xili ciyaareedkan aan wali dhamaanin, waxa jiray 11 laacib oo ugu sarreeyey qiimaynta shanta horyaal ee waaweyn marka loo eego boos kasta, waxaana kaddib ay kasoo diyaareen kooxda sannadka.

Kooxdan waxa laacib kasta oo ka tirsan lagu soo xulay qiimayntiisii xili ciyaareedka oo celcelis loogu sameeyey, waxaana ka maqan laacibiin waaweyn  oo uu ka mid yahay Cristiano Ronaldo, Sadio Mane iyo kuwo kale oo laga yaabo in marka aad ka fikirto koox lagu soo xulayo bandhiggooda garoomada ay magacyadoodu markaaba maskaxdaada kusoo dhacaan.

Halkan ka akhriso kooxda sannadka oo ka kooban 4-4-2 iyo qiimaynta ay xulashada ku kasbadeen:

Goolka – Wojciech Szczesny (Juventus) – 7.14

Difaac midig – Ricardo Pereira (Leicester City) – 7.5

Difaac dhexe – Virgil van Dijk (Liverpool) – 7.4

Difaac dhexe – Marcel Halstenberg (RB Leipzig) – 7.29

Difaac bidix – Alphonso Davies (Bayern Munich) – 7.54

Garabka midig – Lionel Messi (Barcelona) – 8.61

Khadka dhexe- Kevin De Bruyne (Manchester City) – 7.92

Khadka dhexe – Angel Di Maria (Paris Saint-Germain) – 7.75

Garabka bidix – Jadon Sancho (Borussia Dortmund) – 7.9

Weeerarka – Kylian Mbappe (Paris Saint-Germain) – 8.14

Weerarka – Robert Lewandowski (Bayern Munich) – 8.16