Premier League Oo laga Joojindoona Isticmaalka VAR

0
125

Kulamada hadhsan ee horyaalka Premier League ayaa isbeddel lagu samayn doonaa shuruucdii hore loogu dhaqmi jiray, waxaana meesha laga saari doonaa aaladda muuqala-caawiyaha garsoorka ee VAR iyo naadiyada oo loo ogolaan doono inay shan ciyaartoy soo inta ciyaartu socoto.

Kulamo is-daba joog ah oo maamullada ciyaaraha Ingiriisku ay yeelanayeen toddobaadyadii ugu dambeeyey, ayaa waxay go’aamo kaga  gaadhayeen arrimo xaasaasi ah oo ku qotoma sidii xili ciyaareedka loo dhamaystiri lahaa, waxaana warbixintoodii ugu dambaysay ee Arbacadii shalay ay ku shaaciyeen in aanay wali haynin jawaabta ugu weyn ee taageereyaasha iyo kooxuhu doonayaan ee ah waqtiga ciyaaruhu bilaabmayaan, hase yeeshee waxa usii socon doona kulamada oo ugu dambaynta la sheegay inay kasoo bixi doonaan go’aamo xaasaasi ah.

 

Sida uu qoray wargeyska Mirror ee kasoo baxa Ingiriiska, qodobbada laga tashanayo ee go’aamada cusub laga soo saari doono waxa ka mid ah in meel la isla dhigo xaddiga mushaharka ay kooxuhu ka dhimi karayaan ciyaartoygooda iyo sida ay suurtogal ku tahay in iyadoo ciyaartoydu aanay muddo tababar samaynin ay u ciyaari karaan kulamada tobanka ilaa sagaalka u dhexeeya ee ka hadhsan Premier League iyo EFL, sidoo kalena ay Champions League iyo Europa League u dhex-raacayaan. Waxa  kale oo ay isla dul-istaagayaan inay jirayaan ciyaaro badan oo aanay waqti badan u dhaxaynin oo culayskoodana ay sii kordhinayaan tartamada kale ee maxalliga ah sida FA Cup oo wareeggii siddeedaad ay kooxuhu usoo gudbeen.

Yaraynta shaqaalaha ka hawl-galaya garoomada ee duubista iyo garsoorka ayaa iyaduna ah xuddunta wada-hadalka iyo sidii ciyaartoyda badqabkooda loo ilaalin lahaa.

Sida uu qoray wargeysku, horyaalka ayay suurtogal tahay in bisha July la bilaabo oo ilaa August badhtamaheeda la dhameeyo, laakiin waxa iyagana go’aamo laga gaadhayaa labada arrimood ee yaraynta shaqaalaha garsoorka, taas oo ka dhigan in meesha laga saari doono aaladda VAR.

Ciyaartoyga aan muddada badan tababarka samaynin ayay sidoo kale isla qirsan yihiin inay ciyaari karaan 90 daqiiqadood iyadoo toddobaadkiina ugu yaraan laba jeer ay kooxuhu kulmi doonaan, waxaana qodobkan lagu xallinayaa sida xogtan cusubi sheegtay in kooxaha loo ogolaado inay shan ciyaartoy beddelaan, si loo yareeyo dhaawaca laacibiinta oo marka ay daalaan halis gelaya.

Si kastaba ha ahaatee, wax kasta oo isbeddel ah oo dhaca iyo sida ay suurtogal ku noqoto in horyaallada dib loo bilaabo, waxa go’aamadooda la filayaa inay soo baxaan bishan April gudaheeda.