Waa Kuma Xiddiga Man United Ee Deeq Raashiin Iyo Biyo Ah Gaarsiiyay Dal Afrikaan Ah Oo Saameysay Caabuqa Coronavirus?

0
140

Eric Bailly ayaa mucaawino u geeyay dadka taabaaleysan ee ay saameysay caabuqa corona ee dalkiisa Ivory Coast.

Daafaca Manchester United oo leh hay’ad gargaar oo lagu magacaabo Erik Bailly ayaa ku guuleystay inuu mucaawino ka kooban cunto iyo cabitaan iyo alaabo kale oo aan laga maarmin inuu ka qeybiyo dalkiisa.

 

Waxay tusaale kale u tahay howsha tabarucaada ah ee ay wadaan xiddigaha Premier League kuwaasoo ku midoobay qorshe tabarucaad ah oo loogu magacdaray PlayersTogether.

Waxay doonayaan inay lacago u uruuriyaan adeega caafimaadka UK ee NHS iyagoo durbaba ugu deeqay 1.5 milyan ginni islamarkaana balanqaaday in ka badan 4 milyan ginni.

Ciyaartoyda ayaa sidoo kale tabarucaadooda gaarka ah sameynaya iyadoo xiddiga ay isku kooxda yihiin Erick Bailly ee Harry Maguire uu isna cunto ugu deeqay dadka da’da ah iyo dadka nugul ee tuuladii uu ku koray ee Yorkshire.

Laakiin ciyaartoy badan ayaa iyagana dalalkooda ka sameynaya howlo tabarucaad ah.

Bailly ayaa howlo tabarucaad weyn ka wada dalkiisa Ivory Coast si uu u caawiyo dadka karantiilka ku jira ee aan waxba heysan.

Ciyaartoyda Premier League ayaa diiday inay mushahar dhimis sameeyaan si ay u caawiyaan kooxahooda oo dhaqaale darro ay soo wajaheyso laakiin taas bedelkeeda waxay diyaar u yihiin inay caawiyaan bulshooyinka ay la nool yihiin kuwa ay ka soo jeedaan.