Guddiga Doorashooyinka Itoobiya Oo ruqsadda kala laabtay 27-Xisbi siyaasadeed oo labo kamid ah ay leeyihiin Soomaali

0
158

Guddiga Doorashooyinka Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa sameeyay dabagal ku saabsan Xisbiyo siyaasad ay horay u diiwaangeliyeen, maadaama ay soo dhawdahay Waqtiga Doorashada dalkaas.

Guud ahaan Itoobiya waxaa ka jira 106 Xisbi Siyaasadeed oo buuxiyay Shuruudaha ay soo bandhigeen Guddiga Doorashooyinka, inkasta oo ay haatan dib ugu laabteen Axsaabta qaarkood oo ay dib ugala laabteen Ruqsadda.

Arrintaan waxa ay kahor istaageysaa Hamigii ay ka lahaayeen kuraas ay ka helaan Dowladda Cusub ee Itoobiya iyaga oo ku biiraya Xisbiyada ay isku dan noqdaan sida uu dhigayo Dastuurka dalkaas.

Guddiga ayaa kala qaaday 27-ka Xisbi, waxaana uu sheegay Guddigu in 13 kamid ah xisbiyada aysan buuxin shuruudaha, inkasta oo ay horay usiiyeen Warqadda diiwaangelinta Axsaabta Siyaasadda.

14-ka kale waxaa horay loogu yeeray in ay soo buuxiyaan Shuruudo laga doonayay, balse Jawaab lagama helin, waxaana ka dhashay go’aanka looga tiray Liiska Xisbiyada u diiwaangashan Doorashada Dowladda Federaalka Itoobiya.

Marka 27-kaan Xisbi laga reebo kuwa diiwaangashan waxa ay wadarta ka dhigeysaa 106-Xisbi, waxaase hadda diiwaanka ku jira 76 oo buuxiyay dhammaan Shuruudihii Guddiga ay soo bandhigeen, waxa ay isku diyaarinayaan ka qaybgalka Doorashada dalkaas Bisha August 2020.

Dhanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa Ruqsadda lagala noqday labo Xisbi siyaasadeed oo horay loo diiwaangeliyay, waxaana ay kala yihiin:

1) Xisbiga Midnimada Soomaalida oo loosoo gaabiyo (SUP) iyo 2) Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiyadda Shacabka Diil wabi oo loosoo gaabiyo (DPDM).

Itoobiya Shantii sanaba mar waxaa ka dhacda doorashada guud ee dalkaas, waxaana sanadkaan ay ku beegan tahay bisha August 2020, xili walwal laga qabo faafidda Coronavirus oo dagaalka ka dhanka ah guud ahaan caalamka ka socda.