Magaalada Cabduwaaq Waxaa Maanta Gaaray Wafdi saraakiil ah

0
163

Magaalada Cabduwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa waxaa Maanta gaaray Wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage oo ay qeyb ka yihiin saraakiil ka tirsan qaybaha 21-aad iyo 27-aad ee xoogga dalka sida Genaral Saalax yacquub oo ah Abaanduulaha qaybta 27-aad iyo Gaashaane Aadan Siyaad Cabdi Abaanduulaha Qaybta 21-aad.

Wafdiga oo maalmahaan ku sugnaa degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa Cabudwaaq kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada iyo sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan degmada.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Janeraal Odawaa Yuusf Raage ayaa waxaa uu booqasho salaan ah uu ku tegay Guriga uu ka dagan yahay Degmada Caabudwaaq Ugaas Maxamed Ugaas Axmed oo kamid ah Madaxda dhaqanka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Janeraal Odawaa Yuusf Raage ayaa maalmihii la soo dhaafay abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab waxaa uu ka waday deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud,isaga oo sheegay in la bilaabi doono howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.