Premier League Oo dib la Ongolaaday Inay Dib loo Bilaabo

0
132

Horyaalka Premier League ayaa dib u bilaaban kara 1da bisha Juun ka dib markii ay dowlada Ingariiska ogolaatay in dib loo bilaabo xilli ciyaareedka.

Hindise ka kooban 60 bog ayaa la soo bandhigay maanta oo Isniin ah taasoo ay ku qoran tahay nidaamka la raacayo si isboortiga uu dib ugu bilowdo.

Ra’isal wasaaraha UK Boris Johnson ayaa sheegay in isboortiga loo ogolaaday in baahiyo iyadoo lagu ciyaarayo garoomo faaruq ah.

Waxa uu sheegay in isboortiga dalka la bilaabo karo wixii ka danbeeya 1da bisha Juun ee soo socota.

Maamulka Premier League iyo 20ka kooxood ee horyaalka ka qeyb qaadanaya ayaa maanta kulan leh iyagoo kawada hadlaya sidii loo bilaabi lahaa xilli ciyaareedka.

Kooxaha ayaa ku kala aragti duwan sida dib loogu bilaabi karo xilli ciyaareedka laakiin kooxaha u ololeynaya in kubada cagta Premier League ay si dhakhso u soo laabato ayaa ku faraxsan go’aanka ay qaadatay dowlada UK.

Inkastoo kulamada ka haray xilli ciyaareedka laga daawan doono kaliya TV-yada hadana waxaa la filayaa inay qaadan doonto muddo ka badan sannad in taageerayaasha loo ogolaado garoomada.

Ra’isal wasaare Boris Johnson iyo dowladiisa ayaa aaminsan inaysan macquul aheyn in dadka loo ogolaado inay meel waa weyn sida garoomada isagu yimaadaan iyadoo aan talaal loo helin fayraska Karona.

Waxay tani keeni doontaa in kooxaha ay ku ciyaaraan garoomo faaruq ah ilaa iyo bartamaha xilli ciyaareedka soo socda.