Samuel Eto’o Oo Ka Sheekeeyey Farriintii Layaabka Lahayd Ee Jose Mourinho & Materazzi Usoo Direen Xilligii Uu Barcelona Joogay Iyo U Wareegistii Inter Milan

0
232

Xiddigii hore ee reer Cameroon ee Samuel Eto’o ayaa daboolka ka qaaday sidii fududayd ee Jose Mourinho uu ugu qanciyey inuu ku biiro Inter Milan, kaas oo qoraal kaliya oo uu usoo diray uu ku kellifay in isaga oo aan ka fikirin uu u dhaqaaqo waddanka Talyaaniga.

Samuel Eto’o oo waraysi siiyey wargeyska kasoo baxa waddanka Talyaaniga ee Gazzetta dello Sport ayaa waxa uu sheegay in isaga oo Barcelona jooga oo ka fiirsanaya mustaqbalkiisa ay u timid farriin kooban oo dhawr kalmadood ah oo Mourinho usoo diray iyo mid kale oo ka dambaysay oo difaacii hore ee Inter Milan ee Marco Materazzi uu telefoon aanu garanayn uga soo diray.

 

Weeraryahankan oo sannadkii 2010 Inter Milan kula guuleystay Champions League, Serie A iyo Coppa Italia, waxa uu yidhi: “Mourinho ayaa si fudud ii qanciyey. Wuxuu iisoo diray sawir funaanadda Inter Milan ee No.9 ah, waxaana ku qornayd: ‘Adigaa iska leh, adigay ku sugaysaa’.

“Marco Materazzi ayaa kaddib farriin uusoo diray uu igu yidhi: ‘Haddii aad timaaddo Inter, wax walba waynu ku guuleysan doonaa.’

“Anigu waqtigaas lambarkiisu kuma jirin telefoonkayga, waxaanan weydiiyey Demetrio Albertini oo aan ku idhi: ‘Ma kaagiibaa?’

“Wax noocaas ah waligay iguma dhicin, farriimahaasina culays weyn ayay ku yeesheen go’aankayga.”

Eto’o waxa uu intaas kaddib ka hadlay sidii ay Barcelona ugu garaaceen semi-finalka Champions League iyagoo ciyaartoy laga saaray, waxaanu yidhi: “Markii Thiago Motta kaadhka lagu saaray, Mourinho wuxuu u yeedhay aniga iyo Javier Zanetti, waxaanu noo sharraxay sida aanu u ciyaarayno.

“Xataa maan haysanin waqti aan kaga falceliyo inta aan garabka bannaan ordi karayo. Waxaan naftayda u sheegay: ‘Samee wax kasta oo karaankaaga, kaddibna waad tegi doonaan finalka. Dhamaadkii, waanu tagnay finalka.”

Waxa finalka Champions League ee sannadkaas iskugu yimid Inter Milan iyo Bayern Munich, waxaana kulankaas ciyaartoyda hadal u jeediyey Samuel Eto’o, waxaanu yidhi isaga oo ka hadlaya wixii uu u sheegay: “Hadalkayga kulankii finalku muu badnayn, kaliya waxaan idhi: ‘Final lama ciyaarin, waa inaynu guuleysano. Waa inaynu nafta u hurno garoonka dhexdiisa oo aynu koobka kusoo celino Milan, ama waa inaynu dhimano, sababtoo ah kuma noqonayno Milan. Sidaa darteed, aynu noqono oo aynu koobka soo qaadano.”

Eto’o waxay khilaafyo dhex mareen Pep Guardiola iyo Mourinho, waxaana su’aal laga weydiiyey uu kaga jawaabay: “Waxa kaliya ee ay ka midaysan yihiin labada tababare waa damacooda inay guuleystaan, laakiin gebi ahaanba waxa kala duwan shaqsiyaddooda iyo aragtidooda kubadda cagta.”