30 sano kadib Kooxaha Liverpool oo ku guuleysatay Horyaalka England.

0
133

 

Waxaa soo afjarmay soddon sano oo Liverpool ay sugaysay horyaalka England ka dib markii ay 23 dhibcood ka sara martay Manchester City oo guuldaro 2-1 ay kala kulantay Chelsea.

Kooxda uu hogaamiyo Jurgen Klopp ayaa u baahneyd hal guul oo ay ku guulaystaa horyaalka, waxaase taasi u fudadeeyey guuldarada City taasi oo ka dhigan in todobada ciyaar ee dhiman aanay Man City soo qaban karin Liverpool.

Koobkan ayaa noqonaya kii 19-aad ee Liverpool ay qaado, waxaase uu noqonayaa kii ugu horeeyey tan iyo xilli ciyaareedkii 1989-1990.

Maxay kula tahay guusha Liverpool- Fadlan ra’yigaaga halkan inoogu soo gudbi.