Arsenal, Southampton Iyo Laba Kooxood Oo Kale Oo Doonaya In Qayb Laga Siiyo Lacagta Liverpool Ku Helayso Hanashada Horyaalka Premier League

0
103

Liverpool ayaa laga doonayaa lacag malaayiin dollar ah oo ay tahay inay siiso kooxaha ay xafiiltamaan, taas oo lagu yeeshay markii ay horyaalka Premier League ku guuleysteen.

Kooxda tababare Jurgen Klopp ayaa sannadihii tegay si wanaagsan uga adeegatay suuqa, waxaanay kasoo qaadatay ciyaartooyo qaali ah oo ay kasoo bixisay lacago badan, laakiin waxa u dheeraa shardiyo kale oo wehelinayay heshiiskii ay kula soo wareegtay.

 

Kooxaha ay ciyaaryahannadan kasoo iibsatay ayaa heshiisyadooda ay ku jireen in lacago kale lasiin doono haddii Liverpool ay ku guuleysato horyaalka, waxaanay tii ugu soo hagaagtay waqtigan.

Southampton oo ahayd isha ay ciyaartoyda ugu badan ka hesho Liverpool doonaysa lacag dhan £3 milyan oo Gini, maadaama ay kasoo qaateen xiddigaha ay ka midka yihiin Virgil van Dijk, Sadio Mane, Dejan Lovren iyo Adam Lallana oo dhamaantood ka mid ah laacibiinta koobka kula guuleystay.

Arsenal ayaa dhinaceeda dalbanaysa lacag maadaama Oxlade-Chamberlain uu ahaa ciyaartoygeeda ka hor intii aanu tegin Liverpool, laakiin lama sheegin lacagta ay Gunners la siinayo ee ku xidhnayd heshiiskii ay ku iibisay laacibkan.

Hull City ayaa iyaduna ka mid ah kooxaha qasnadda Liverpool loo furayo maadaama uu ka yimid Andrew Robertson, halka Charlon ay rabto inay wax ku hesho Joe Gomez oo ciyaarteeda ahaan jiray ka hor intii aanu Anfield tegin.