Ciidanka Dowladda Oo Howlgal Qorsheysan Fuliyay Iyo Faah-Faahin Laga Helay.

0
87

Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramacad iyo ciidamada Nabadsugidda ee ku sugan Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa  burburiyay fariisimo ay ku lahaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab Tuulada Caracase oo qiyaastii 30km ujirta Balad-xaawo.

Howlgalka ayaa waxaa hogaaminyay Taliyaha Xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke Isagoo sheegay in ciidanka ay gaari doonaan Dhamaan Goobaha ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab Gobolka Gedo.

Sidoo kale Taliye Bakaale ayaa waxaa uu tilmaamay in Ujeedka howlgalkaas uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga Degmada Balad-xaawo oo mararka qaarkood ay ka dhacaan falal amni darro.

Taliyaha ayaa xusay in howlgalkii uu ahaa mid qorsheysan oo ay bartilmaameedkoodu ka fuliyeen goobo cayiman, waxaana uu shacabka uga mahadceliyay sida ay ula shaqeeyaan laamaha ammaanka, uuna ka codsaday inay xoojiyaan la shaqeynta ciidanka.