Cristiano Ronaldo Oo Xirtay Saacadii Ugu Qaalisaneyd Abid Ee Ay Rolex Sameyso –Immisa Ayay Joogtaa? Maxayse Ka Sameysan Tahay?

0
118

Cristiano Ronaldo ayaa ka yaabsaday taageerayaashiisa isagoo soo xirtay saacadii ugu qaalisaneyd abid ee shirkada Rolex ay sameyso.

Saacada oo lagu magacaabo Rolex GMT Master Ice wuxuu qiimaheedu yahay 460 kun doolar ama 371 kun ginni haddii aad dooneyso inaad iska barbareyso xiddiga Juventus.

 

Markii ugu horeysay ee uu saacadaan xirto waxay aheyd bishii Janaayo ee sannadkan markaasoo uu ka qeyb galayay xaflada Globe Soccer Awards oo lagu qabtay magaalada Dubai.

Caadiyaan saacadaan oo ka sameysay 180-karat ii dahabka cad ah waxaa sidoo kale lagu xardhaa dheeman.

Ilaa iyo 30 karat oo dheeman ah ayaa saacada wajigeeda iyo xarigeedaba lagu xardhay.

Ronaldo ayaa sidoo kale saacadiisa Rolex ku xirtay xaflado kale uu ka qeyb galay isagoo sidoo kale soo xirtay xilli uu sawir Instagram ah la galayay saaxiibtiisa Georgina Rodriguez.

La yaab ma ahan in 35 jirkaan uu xirto mid ka mid ah saacadaha ugu qaalisan dunida ka dib markii loo magacaabay xiddiga labaad ee isboortiga ee lacagta ugu badan ay soo gashay 10kii sannadood ee ugu danbeysay.

Wuxuu 2010 ku bilowday isagoo ah xiddig Real Madrid ah, wuxuuna ku dhameystay 10ka sannadood isagoo qaaday afar Champions League, afar Ballon d’Or kale iyo Koobka Qaramada Yurub uu la qaaday Portugal.

Majalada dhaqaalaha ee Forbes ayaa sheegtay in weeraryahanka uu shaqeystay 548 milyan ginni 10kii sannadood ee ugu danbeysay isagoo ka sarre maray Lionel Messi oo shaqeystay 517 milyan ginni 10kii sannadood ee ugu danbeeyay.

Xiddiga ciyaarta feerka ee Floyd Mayweather ayaa ah xiddiga koowaad ee lacagta ugu badan shaqeystay isboortiga caalamka iyadoo 10kii sannadoo ee ugu danbeysay ay soo gashay 667 milyan ginni.

Ronaldo ayaa haatan diirada saaraya inuu koobab kale ku darsado isagoo doonaya inuu Juventus ku hogaamiyo koobka horyaalka Serie A iyo Champions League.