{DAAWO MUQAALKA} Dowlada Itoobiya oo Fureyso Xadka ay la wadaagto Gobolka Hiiraan

0
194

Gudoomiyaha Gobolka Shabeele ee Ismamulka Somalida Aadan Axmed Sooyaan ayaa dagmada Feer Feer Uga Qeyb galay Xalinta Dagaal beeleedkii dhawaan ka dhacay Xadka ay wadadaagaan Soomaaliya Iyo Itoobiya qeybta Gobolka Hiiraan

 

Aadan Axmed Sooyaan ayaa sheegay in ay doonayaan in ay furaan xadka u dhaxeeyo feer feer iyo Gobolka hiiraan si isku socodka dadka iyo deegaanka ay uga faaideystaan ganacsiga iyo isku socodka.

 

Gudoomiyaha Gobolka Shabeele ee Ismamulka Somalida ayaa codsaday in maamulka Gobolka Hiiraan in ay masuuliyad iska saraan sugida amaanka xadka si aysan qal qal u galin nabad galyada deegaanka.