{DAAWO SAWIRADA} Banaanbaxyo Ka Dhashay Fanaan Caan Ah Oo Lagu Dilay Itoobiya

0
180

Wararka aan ka heleyno Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa sheegaya in xalay rag hubeysan ay halkaas ku dileen fanaan Caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Hachalu Hundesa.

Dad ku sugan Addis Ababa ayaa warbaahinta u sheegay in rag hubeysan oo aan la ogeyn waxa ay ahaayeen ay dileen Fanaan Hachalu Hundesa oo caan ku ahaa  Kicinta dhalinyarada Oromada xiliyada ay jiraan Munaasabadaha iyo Dibad-baxyada.

Dilka kadib ayaa waxaa Caasimadda Itoobiya iyo deegaanka Oromada ka bilowday banaanbaxyo rabshado wata oo looga soo horjeedo dilkii loo geystay Fanaanka, waxaana banaanbaxa uu yahay mid xoogan oo weli socda kuna sii fidayo degaano kale.