{DAAWO SAWIRADA} Ciidamada Danab oo baaritaan guri Guri ah ka wada degaano ay shalay qabsadeen

0
201

Ciidamada Kumaandoska Xoogga dalka ee Danab iyo Gor-gor ayaa baaritaan guri guri ah ka sameeyey degaannada Jilib Marko iyo Gendershe ee  gobolka Shabeellaha hoose oo ay shalay kala wareegeen Al-Shabaab.

Howlgaladan ayaa la sheegay iney yihiin kuwa ciidamadu ku xaqiijinayaan ammaanka degaaanadaasi isla markaasna ay ku baadi goobayaan xubno ka tirsan Al-shabaab sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowlada.

“Ciidanka ayaa waxay howlgalka ku soo qabteen rag lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin argagixisada Al-shabaab kuwaasoo haatan ay ku socdaan baaritaanno lagu kala saarayo” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada ku sugan degaanada Jilib Marko iyo Gendershe.