{DAAWO SAWIRADA} Kulan udhaxeeyo Masuuliyeenta Dowlada Deeegaanka Etoobiya iyo Maamulka G.Hiiraan oo Baladweyne ka furmay.

0
199

Waxaa goordhow Magaalada Baladweyne ka furmay Shirka Wajiga Labaad ee udhaxeeyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeeyte Cismaan iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeelle Aadan Axmed Sooyaan iyo  saraakiil heer federaal iyo heer dowlad deegaanka soomaalida Etoobiya.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlayaa dhameeystirka Heshiiskii Laga gaaray Dagaal beelledkii dhawaan ka dhacay Xadka Hiiraan iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Etoobiya taasi oo udhaxeeyey laba Maleeshiyo Beelled.

Sidoo kale waxaa shirka ka qeeyb galayaa Saraakiil Ciidan oo ka socda Dowlada Soomaaliya iyo Dowlada Etoobiya kuwaas oo goob joog ka noqonayo Heshiiska Labada beellod madaama Dagaal beelledka uu kasoo laab laabtay deegaanadaas.