{DAAWO SAWIRADA} Maamulka Galmudug oo la wareegay Ciidamo & Gaadiid dagaal

0
126

Wasaaradda Amniga gudaha Maamulka Galmudug ayaa Maanta la wareegtey gadiid dagaal iyo Ciidankii saarnaa oo diyaar u ah sida ays ehegtay Wasaaradda in la xareeyo ayna ka mid noqdaan Ciidamada daraawiishta Galmudug.

Munaasabad ay goobjoog ka ahaayeen Odoyaal dhaqameedka ay ka soo jeedaan maleeshiyaadkaas ayaa si rasmi loogu wareejiyey gaadiid gaaraya 5 gaari oo qoryaha dagaalku ay saaran yihiin iyo Ciidankii saarnaa oo gaaraya 83 askari.

Wasiirka Amniga oo goobta ka hadlay ayaa ka mahadceliyey isxilqaanka odoyaasha dhaqanka iyo taageerada ay u muujiyeen dawlad Goboleedka Galmudug.

Sidoo kale waxaa uu adkeeyey in Ciidaamadaan iyo gaadiidkoodaba ay mas’uuliyadiisa la wareegtey wasaaradda Amniga Gudaha, ayadoo lagu xarayn doono Dugsiga tababarka indha-qaris.