{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Nabadoonada iyo waxgaradka degmada Qardho.

0
111

Qardho, Jun, 22, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta kulan la qaatay Nabadoonada iyo waxgaradka degmada Qardho ee Xarunta gobolka Karkaar.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey maamulka gobolka Karkaar, kan degmada Qardho iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka. Waxaana looga wada hadlay Amniga, horumarinta degmada iyo in biyo xidheen loo sameeyo magaalada si looga gashaanto daadadka kusoo fataha magaalada ee ugaystey khasaaraha naf iyo duunyoba.