{DHAGEEYSO} Maamulka Degmada Maxaas Oo War kasoo saaray Dagaal Beelled halkaasi ka socda.

0
186

Waxaa sii Xoogeeystay Dagaal Udhaxeeyo laba Maleeshiyo Beeleed oo ka Dhacay Xadka aay wadaagaan Gobolada Hiiraan & Galgaduud ee Bartamaha Soomaliya,  Dagaal ayaa Xalay ka Dhacay Deegaanka Mira-Jibaale Subaxnimadii hore ee saakay ayuu  Dagaal kale qarxay  Deegaanka  libe jiife  oo hoostaga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro Dhimasho & Dhaawac ah Sida aay Xaqiijiyeen Masuuliyiinta Maamulka Degmada Maxaas Ee Gobolka Hiiraan

Guduumiye Ku Xigeenka Amniga Degmada Maxaas Cabdullahi Shuuriye  oo La hadlay Hiiraanweyn Ayaa Sheegay In aay Wadaan Dadaaladii ugu dambeeye ee Lagu Qaboojinayo Xaalada iyagoo Kaashanaya Odoyaasha Degmada Maxaas

Wariye Cumar Muxidiin Cumar ayaa arintan ka wareeystay Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amaanka degmada Maxaas