Dowladda Imaaraadka Carabta oo Dawo ku wareejisay Jubbaland

0
109

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo waxaa maanta caga dhigatay diyaarad nuuca Xamuulka ah oo ay leedahay Dowladda Isu tagga Imaaraadka Carabta, taas oo waday agab Caafimaad.

Mas’uuliyiin katirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ku sugneen Garoonka Diyaaradaha ayaa soo dhaweysay xubnaha Imaaraadka ka yimid lana socday Diyaaradda Xamuulka ee Gargaarka Siday.

Maamulka Jubbaland ayaa ka mahad celiyay kaalmada Dowladda isu tagga Imaaraadka Carabta ee maanta la gaarsiiyay Magaalada Kismaayo oo ah Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Deeqdaan waxa ay qayb ka tahay kaalmadaha Imaaraadka ee Soomaaliya si wax looga qabto cudurka halista ah ee Covid-19 oo kiisas kamid ah kol hore laga helay Deegaanada Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Imaaraadka ayaa horay deeq dawo ah gaarsiiyay Somaliland, Puntland, Magaalada Muqdiso oo ay ku wareejiyeen Dowladda Soomaaliya, danjiraha dalkaas waxa uu ku tilmaamay arrintaan mid ay ku garab istaagayaan DFS.