Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab,

0
217

Ciidanka xoogga dalka ayaa la sheegay inay weerar culus ku qaadeen Xubno ka tirsan Alshabaab oo ku sugnaa tuulada Dug-wariiri oo hoostagta deegaanka Jannaale ee gobolka shabeellaha hoose,isla markaana weerarkaasi ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Weerarkaas ayaa saraakiisha hoggaamineysay waxaa ay sheegeen in uu ka dambeeyay,kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar hoobiyeyaal ah kusoo qaadeen degaanka Janaale.

Taliyaha Ciidanka dhulka Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa sheegay in dagaalkaasi Al-shabaab looga dilay laba Sarkaal iyo 27- Xubnood oo kale.

Sidoo kale Taliyaha waxaa uu tilmaamay in ciidanka xoogga dalka habeen iyo maalin uu u taaganyahay sidii dalka oo dhan looga saari lahaa Al-Shabaab oo uu sheegay in la qorsheeynaayo howlgallo ka dhan ah.

Saraakiisha Sar sare ee Ciidamada Dowladda ayaa inta badan waxaa ay ku dhawaaqaan inay uflin doonaan howlgallo dalka looga saarayo Al-Shabaab,hayeeshee uusan fulin howlgalladaas.