Dowladda Soomaaliya Oo lumineysaa xaqa codeynta Golayaasha QM

0
152

⁸Dowladda Soomaaliya waxa ay lumineysaa xaqa codeynta Golayaasha QM haddii aysan tallaabo dedge ah qaadin Labada todobaad ee ugu horeysa bisha June-2020, arrintaas waxa ay meel adag dhigi doonta kiiska dacwada Badda Soomaaliya.

Diblomaasi Soomaali ah ayaa u sheegay Warbaahinta Mustaqbal in uu ka warqabo dhaqdhaqaaq iyo qorshe Kenya ay ku doonayso in kalFadhiga 75-aad ee Golaha Guud ee QM ee la qorsheynayo in uu furmo Talaado 15 September 2020, looga hadlo muran baddeedka dacwada badda Soomaaliya oo Kenya iskudeyeyso bad-ballaarsi kadhan ah Qaanuunka caalamiga ah iyo dhaqanka derisnimada, halka ergada Dowlada Soomaaliya ay ka soo qeybgali doonaan ayaga oo dhegeystayaal ah islamarkaana aan wax cod ah ku lahayn fagaarahaas, taas oo aan wiiqi doonin oo kali ah xaqa codeyta balse sidoo kale aad u yareyn doonta fursadaha galaangalka xubnaha.

Inkasta oo QM digniin hore siiyey dowladda Soomaaliya illaa haddana sida ka muuqata warqada xoghayaha Guud ee u direy madaxaweynaha Golaha Guud ee QM 7dii January 2020 Jamhuuriyadda Soomaaliyeed waxa ay kujirtaa liiska dalka aan weli bixin lacagta xubinimada, dalalka kujira Liiskan oo aan mid mid u dabagalnay waxa aan ogaanay Gambia, Lubnaan, Tonga iyo Yamen in ay is xalliyeen oo ay Liiska ku hareen Waddamada aan dowladahoodu xeerin xiriirka caalamiga ah iyo Waxtarka xubinnimada QM.

Report 2

Fadhigan weli lama hubin qabsoomidiisa maadaama ay adkaan doonto in 193 madax dowladeed ay ka soo qeybgalaan kulanka iyada oo uu jiro Fayraska COVID-19, isla markaana waxa socda dhaq-dhaqaayo la xiriira in dib loo dhigo ama la joojiyo fadhiga Guud ee QM Sanadka 2020.

Haddaba sidee ayey ku dhacaysaa ama suuragal u tahay in Soomaaliya weyso ama lumiso xaqa codeynta?

Dowladda Soomaaliya waxa ay xubin ka ahayd hay’adda ugu weyn ee diblomaasiyadda Aduunka ee QM laga soo billaabo 20 September 1960, waxa ayna si joogto ah u bixinaysay Jamhuuriyadda Soomaaliyeed qaaraanka sanadlaha ah ee Xubinimada QM ilaa ay bixinta lacagtaas istaagtay bishii Oktober 1989 Report 1

Laga soo bilaabo soo noqoshada Soomaaliya ee fagaarayaasha iyo golayaasha caalamiga ah iyo ka qeybgalkeeda fadhiyada Qaramada Midoobey ee Dowladdi kmg ahayd ee Madaxweyne Cabdiqaasin Salaad Xasan waxa jirtay in Xukuumadahii isaga dambeeyey Soomaaliya dhowr mar loo soo jeediyey digniin la xiriirta bixinta Qaaraanka iyo haddii ay danaynayaan in ay galaan heshiis lagu qorsheeya bixinta qaaraanka ku arruurey Dalkan.

Balse nasiib daro waxaa dhacday in xukuumadahaasi kari waayeen waxna ka qaban waayeen codsiyadii kala duwaanaa ee QM-ka oo u arkaysay dalka Soomaaliya dal ay balaayo ku habsatay oo kujira duruuf gaar ah oo dhashay xaaladdo ka baxsan awoodda Dowladda sidaa daraadeedna uu mudanyahay tixgelin iyo taagero gaar ahaaneed..

galaangal iyo dabagal la’aanta xaaladda xubinimada Soomaaliya ee QM ayaa keentay in ugu dambeyntii lagu wargeliyo Dowladda Soomaaliya in laga joojin doono xaqa codeynta ee Fagaarayaasha QM haddii aysan keenin qorshe dhamaystiran oo la xiriiria dib-u bixinta qaaraanka xubbinada QM, haddii kale lagu qaadi doono Qodobka Article 19-aad ee Axdiga QM ee ku hoos jira Cutubka Afaraad ee Golaha Guud ee QM oo u dhigan sidan:-

“In xubin kasta oo uu ku Arruuro qaaraan la’eg ama kabadan lacagta xubinimadiisa ee labadii sano ee la soo dhaafay in aysan wax cod ah ku yeelan doonin fadhiga Golaha guud ee QM, balse Golaha Guud ee QM ayaa laga yaabaa in uu u ogolaado xubintaas in ay codeyso haddii ay ku qanciso xubnaha in sababta ay u bixin weysay qaaraanka ay tahay sabab ka baxsan awooddeeda”

Jiitaankaas dheer iyo maareyn la’aanta bixinta lacagta xubinnimada Soomaaliya ee QM waxa ay keentay in 9-May 2019 Ergayga Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Xarunta Qaramada Midoobey uu warqad u qoro madaxweynaha Golaha Guud ee QM taas oo uu ku sheegayo kuna dalbanaayo in dalkiis uu ku jiro xaalad gaar ah una baahan yahay in loo ogolaado xaqa Codeynta ee Fadhiga Guud ee QM.

Sidaas oo kale Ergayga Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey waxa uu ka soo hor muuqdey Guddiga Qaaraanka iyo dhaqaale arruurinta fadhigiisii 7-aad ee ka dhacay 3-21 June 2019 Magaalada Newyork, Ergayga ayaa u sheegay Guddiga in dowladda Soomaaliya ay soo gudbin doonto qorshe sanado badan qaadanaya oo ay ku yaryaraynayso qaaraanka ku arruuray ee lagu leeyahay dalka marka xaalada Waddanku soo hagaagto.

Diblomaasi Soomaaliyeed oo ka howgala Wasaaaradda arraimaha dibadda Soomaaliya ayaa u xaqiijiyey Warbaahinta Mustaqbal in Guddiga Qaaraanka iyo Dhaqaale arruurinta QM ay niyadjab ku noqday in Ergaygu uusan wadin wax qorshe ah oo uu ku yaryaraynayo daynta iyo inta sano ee ay awoodo Soomaaliya in ay ku bixiso lacagta, taas oo ay u furnaayeen fursado badan maadaama fadhigii hore ee Guddiga ee 6-aad la isku raacay in qorshahaas oo dhamaystiran loo soo gudbiyo fadhiga 7-aad taas oo aanan suurtogelinin, balse ergayga ayaa sidoo kale Guddiga ku kadiyey in uusan wadin qorshe balse Soomaaliaya ay soo xawishay lacag dhan $4,923 oo noqonaysa lacagtii ugu horeysay ee Soomaliya laga helo tan iyo Oktober 1989.

Lacagta xubbinimada QM ee ku aruurtay Soomaaliya waxa ay dhantahay $1,519,402, waxaana laga doonayaa Soomaaliya in ay bixiso lacag dhan $1,419,706 si uusan u qaban Qodobka 19-aad ee Axdiga QM ee ku hoos jira Cutubka Afaraad ee Golaha Guud ee QM.

Waxa aan isku daynay in aan booqano bogga Interner-ka ee Ergada Soomaaliya u fadhiya QM si aan uga helno wararka ku saabsan howlaha xafiiska balse xog lagu daabaco iyo macluumaad la soo geliyo waxa ugu dambeysay 28 November 2008, haa waa 2008 oo ah 12 sano ka hor

Guddiga QM ee qaaraanka xubinnimada ayaa gunaanadkii ku talo bixiyey in dalka Soomaaliya uu ku jiro xaalad gaar ah oo ka baxsan Awooda dowladda sidaa darteedna waxa loo ogolaaday in ay codeyso ilaa iyo dhamaaadka fadhiga 74-aad ee Golaha Guud ee QM ee bilawday Sept 2019 kuna eg ilaa billowga howlaha Fadhiga Guud ee QM ee 75-aad oo bilaaban doona Talaado 15 September 2020

18-kii October 2019 Si Waafaqsan talosoojeedintii GuddigaWaxaa loo ansixiyey dowladdaha Comoros, Tome and Principe iyo Somalia in ay codeeyaan inta ay socdaan howlaha Fadhiga 74-aad Golaha Guud QM halka loo diidey in codeeyaan fadhigaas 74-aad dalalkakala ah Central African Republic iyo Venezuela.

Arrinta kale ee xusidda mudan ayaa ah in Guddiga Qaaraan uruurinta ee Golaha Guud (Contribution committee) go’aanka ka gaarayo ogolaanshaha iyo diidmada xaqa codeynta Soomaaliya haddii aysan dowladdu qaadin talaabo kale, xubnaha Guddigan oo la magacaabay 11 July 2019, waxa kamid ah Kenya waxaana ku metela Robert Mule kaas oo ay dhamaan doono muddo xileedkiisu 31 Disember 2021, xubnaha kale ee Afrika ku metela Guddiga waxa kamid ah Senigal iyo Gabon oo nasiib darro Soomaaliya aanay la lahayn xiriir diplomaasiyadeed oo la sheego.

Balaayada kale ee intaas kadaran waxa ay tahay in dowladda Soomaaliya ay u codeysay xubinnimada Kenya ee Guddiga Qaaraan iyo dhaqaale uruurinta QM taas oo ay Kenya ugu tartantahay si wafaqsan qodobka 159 ee xeer-hoosaadka Golaha Guud ee QM., Hubaal ayay ahayd waana ogeyd Dowladda Soomaaliya in u codeynta Kenya in xubinnimada Guddiga Qaaraan iyo dhaqaale uruurinta QM ay Mustaqbalka mushkilad diblomaasiyadeed ku noqon doonto xalka xubinta Soomaaliya.

Haddaba maxaa la gudboon Dalkan & madaxda maanta talada haysa?

Hadda Soomaaliya waxa ay haystaa fursad kale oo dahabi ah, 2 todobaad ayaa kadhimman ka faa’iideysiga fursaddaas, Ergeyga Soomaaliya ee QM ee jooga Newyork ayaa markale ka hormuuqan kara guddiga una u gudbin kara qorshaha bixinta iyo yaryaraynta qaaraanka ku arruuray Soomaaliya oo laga sugaayey 18-kii sano ee ugu dambaysay si ay u ansxiyo Guddiga Qaaraanka iyo Dhaqaale Urruurinta QM (Contributions Committee) , lacag yaryaraynta oo ku xiran galaangalka dalalka iyo duruufahooda ayaa waxa ay hay’addaha QM qaarkood aqbalaan ilaa 10 sano oo ah qorshaha yaryareynta Qaaraanka.

Guddiga qaaraanka iyo dhaqaale urruurinta ayaa fadhigiisa 8-aad waxa uu ku kulmi doona Magaalada Newyork 1 – 19 June 2020. si ay u ansixiyaan codsiyada la xiriira xalinta wadamada uu qabtay qodobka 19-aad ee cahdiga QM.

Haddaba Kulanka 8-aad ee Guddiga qaaraanka iyo dhaqaale urruurinta ee qorsheysan labada todobaad ee ugu horeysa bisha June sida kucad qorshaha Guddiga waa in dhammaan codsiyada loo gudbiyaa madaxweynaha Golaha Guud ee QM. Si uu guddiga ugu wareejiyo Guddiga.

Haddaba dowladda Soomaaliya waxa ay helikartaa tixgelin gaar ah madaama la islaqirey duruufaha gaarka ah ee dalka ka taagan, sidaas awgeed xalka ugu dhow waa in ay si degdeg ah u sameyso codsigaar ah.

Lacagta qaaraanka ah ee arruurtay waxa ay Soomaaliy aka bixin kartaa daqaalaha deeqda ah ee gaartay maalaayiinta dollar ee ay ku deeqeen dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya si loogu fududeeyo howlaha maxkamadda, lacagtaas oo uu maamulo xafiiska RW ayaa waxaa jirta inaysan soo marin kana mid ahayn miisaaniyadda dowladda, intaas waxa dheer in aan marna la soo gudbin xisaabcelin ku saabsan lacagaha lagu deeqday waddan, tirada la isticmaalay iyo sida ay ku baxday.

Maqnaanshaha codka iyo xubinimada Soomaaliya ee Fadhiyada QM waxa uu laf dhuungashay ku noqon doonaa fursadda ay Soomaaliya si firfircoon uga qeybqaadashada diblomaasiyadda adduunka, waxa uu caqabad ku noqon doonaa ka jawaabidda soojeedin walba oo la xiriirta kiiska dacwadda badda Soomaaliya oo ay keento kenya fadhga Golaha Guud.

Maqnaanshaha codka iyo xubinimada Soomaaliya waxaa suu sidoo kale fursad siin doonaa tartanka kursiga Golaha Ammaanka ee aan joogtada ahayn oo ay isku wajihi doonaan dalalka Kenya iyo Djibouti.

Jabuuti waxa ay ku tashanaysaa Codka Soomaaliya oo uu u balanqaadey madaxweynaha Soomaaliya, iyada oo aan weli la hubin in Soomaaliya cod ku yeelan doonto fadhigaas.

Sidaas si la mid ah dowladda Soomaaliya waxa ay dhibaato ka haysataa kaqaybgalka codeynta iyo ka faa’iideysiga xilalka iyo fursadaha Ururada IGAD, Midawdga Afrika iyo Ururka Islaamka sababta haddii aad raadineysana waa in Wadankaaga uu ku baaqday kuna arruuray qaaraanka xubinnimada ee ururadaas, illaa haddana Siyaasadda arrimaha dibadda ee Waddanku kuma guuleysan sameynta iyo dejinta qorshaha dib u bixinta qaaraanka, ma raadsan mana diyaarin inta la ogyahay adeegga u-qareemid cafis.