FAAH FAAHIN Howlgallo ka socda degaano ka tirsan Shabeellaha Hoose

0
400

Howlgaladaan oo ka dhan ah Al-Shabaab ayay kawadaan gobolka shabeelaha hoose kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB xalay ilaa saakay gaar ahaan degaano ay kamid yihiin Shaam, yuumbis Nuur-gare, Buulo-bashiir, Mubaarak, Toora-tooroow,

Howlgalka oo ay siwada jir ah u sameeynayaan ciidamadda kumaandooska xoogga dalka ee danab iyo gor-gor ayaa saraakiisha hoggaamineysa waxaa ay sheegeen inay ku bur-buriyeen goobo ay ku sugnaayeen Xubmo la tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab.

Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamadda DANAB ayaa waxaa uu sheegay in howgalka kusoo furteen saanad ciidan oo ay lahaayeen Al-Shabaab iyo Agab kale oo Ciidan.

Todobaadkaan ayaa Ciidamada DANAB waxaa ay la wareegeen tuulooyin hoostaga Magaalada Marka,halkaas oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaa , balse Ciidamada ay howlgal ka wadaan.