Frank Lampard Oo Shaaciyey SHANTII Ciyaartoy Ee Ugu Wanaagsanaa Ee Uu Ka Garab Ciyaaray

0
132

Frank Lampard waxa uu garoomada kusoo qaatay waqti qurux badan oo wada guulo ah, waxaanu waqtigiisa ugu fiican ku qaatay Chelsea oo uu koobab badan la qaaday iyo markii uu kubadda ka fadhiisanayay oo uu Manchester City uu muddo kooban sii joogay.

Xulka qaranka England oo muddo dheer uu laf dhabar usoo ahaa, West Ham oo uu xirfaddiisa kasoo bilaabay iyo kooxda horyaalka MLS ee New York City ayaa iyaguna taariikhdiisa baal dahab ah kaga jira.

Frank Lampard waxa uu ku guuleystay saddex horyaalk oo Premier League ah, afar FA Cup, laba League Cup, Champions League iyo Europa League oo uu Chelsea dhamaantood la qaaday, waxaanu ugu dambayntii kabaha ku siibay waddanka Maraykanka.

Lampard oo hadda ah tababaraha kooxda Chelsea, waxa uu xili ciyaareedkiisii ugu horreeyey kooxdiisa hore ka unkay ciyaartooyo da’yar oo kaalinta afraad ku jira, isla markaana laba dhibcood ka horreeya Manchester United oo kusoo xigta.

Muddadii 20ka sannadood ka badanyd ee uu garoomada ku jiray, waxa uu kasoo garab ciyaaray laacibiin waaweyn oo dunida laga tixgeliyo iyo kuwo kale oo ay xafiiltameen iyagoo laba kooxood kala wata.

Mar la weydiiyey haddii uu magacaabi karayo shantii ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa ee kasoo garab ciyaaray muddadii uu garoomada ku jiray, waxa uu markiiba soo qabtay laba ciyaartoy oo isku boos ah oo aanu kow iyo laba u kala saari karayn, isla markaana uu hal god wada geliyey.

John Terry oo ahaa kabtanka Chelsea ee muddadii uu joogay Lampard iyo Didier Drogba oo ahaa halyeygii ay goolasha ka sugi jireen, sida dhowna ay u wada shaqayn jireen, ayuu Lampard usoo xushay kaalinta koowaad.

“Marka ugu horreysa, waa ciyaartooyo kubadda cagta ah oo wanaagsan, laakiin sidoo kale waxay ahaayeen guuleysteyaal, waana waxa ay kaga duwan yihiin laacibiint kale ee badan. Kulamada waaweyn, waxa inta badan go’aaminayey nimankan, waana waxa ay yihiin ee tiro ahaana ugu taagan, waxayna ku raaxaysanayaan inay yihiiin labada ciyaartoy ee ugu sarreeya ee aan kasoo garab ciyaaray.” Ayuu yidhi Lampard.

Xiddiga reer Belgium ee Eden Hazard oo sannado uu ka ciyaaray Stamford Bridge kaddib uga wareegay Real Madrid ayaa kaalinta saddexaad uu ka dhigay, waxaanu yidhi: “Ma jirto wax xaddidayda illaa halka uu socon karayo. Hazard waa ciyaartoyga hibada ugu badan ee dabiiciga ah leh ee aan lasoo ciyaaray, mana ahayn mid la joojin karayo.”

Halyeygii Talyaaniga ee Gianfranco Zola oo ay Chelsea isku soo gaadheen iyo weeraryahanka Manchester City ee Sergio Aguero oo ay muddo kooban Etihad Stadium ka wada ciyaareen, ayuu iyagana kusoo darsaday liiska.

Liiska ciyaartoyda shanta ah ee uu Lampard Soo xushay:

1. John Terry/Didier Drogba

3. Eden Hazard

4. Gianfranco Zola

5. Sergio Aguero