Gen Maxamed Cali Bariis oo ka badbaaday qarixii maanta ka dhacay Muqdisho.

0
140

Generaal Maxamed Cali Bariise Taliye kuxigeenka hore ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta ka badbaaday qarax miino oo ka dhacay degmada Hodan, gaar ahaan agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Wararka laga helayo halka Qaraxu ka dhacay ayaa sheegaya, in qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso uu ka badbaaday gaariga uu la socday Taliye kuxigeenkii hore ee ciidanka Xoogga dalka oo ahaa kuwa aan xabada Karin sidoo kalana ay saarnaayeen ciidamo ilaalo u ahaa Taliyaha.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in gaariga la socday Taliye kuxigeenka uu ka gudbay goobta miinada ku aasneyd, markaas kadibna ay qaraxday, waxa ayna haleeshey mooto bajaaj wadada mareysay, waxaana ku dhintay hooyo iyo ilmo ay dhashay oo mootada saarnaa, halka 3 kale ay ku dhaawacantay.

Qaraxyada Miino ee dhulka lagu aaso ayaa maalmihii u dambeeyay ku soo badanayay Muqdisho, waxaana lala beegsanayay gaadiidka ciidamada iyo saraakiisha saaran yihiin, waxaana u dambeeyay qarax miino oo labo jeer lala eegtay Jen. Cali Gaab oo ka tirsan Hoggaanada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Majirto cid sheegatay qaraxaan waxaana inta badan weerarada nuucaana gaysta xoogga gacanta saarka la leh Al qaacida ee Al Shabaab oo qaraxyo iyo weeraro toos al labeegsada Saraakiisha Ciidanka iyo masuuliyiinta kale ee Dowladda.

20 F ebruary, 2020 ayaa Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xil ka qaadis ku sameeyay taliye ku-xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise.