Golaha Wakiillada Somaliland Oo Ansixiyey Masuliyeen xisbiyada Waddani iyo UCID u soo magacawdeen guddida Dorashoyinka Somaliland.

0
81

Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta Ansixiyay labada xubnood ee xisbiyada Waddani iyo UCID u soo magacawdeen guddida Doorashooyinka Somaliland.

Labadan Xubnood ayaa hore Goluhu u diiday.

Maxamuud Siciid Dalmar, oo xisbiga Waddani soo magacaabay waxa ogolaaday 51 mudane halka Cabdifataax Ibraahim Xasan, 49 xildhibaan ogolaadeen.

52 xildhibaan ayaa ka soo xaadiray fadhiga golaha.